Arrinta aanay dad badan ogeyn ee Shabaab ku qasbay inay 2 saac uga baxaan Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ibraahim Aadan Ibraahim oo ah La-taliyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hore uga tirsaan kooxda Al-Shabaab kana soo baxay 2016-kii ayaa markii u horeysay ka warbixiyay dhacdooyin usoo joogay.

Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Universal Tv ayaa waxa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwana ee soo martay kooxda, gaar ahaan dhacdadii 2011-kii sahashay in Al-Shabaab ay laba saac gudahood uga baxaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xilligaasi ku qasabtay in laba saac gudaheed uga baxaan Muqdisho kadib markii uu khilaaf usoo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha kooxda iyo culeys ka fuulay dagaalkii ku socday.

“Dhimashadii waa ku badatay dagaalkiina wax iska maalinle ah ayuu noqday. Warka magaalada Muqdisho laga bixi doono (Shabaab) wuxuu soo baxay 4 saac habeenimo, saacadii u dambeysay ee ka baxeen waa 6 saac waxaa u dhaxeeya laba saac,” ayuu yiri.

Ibraahim ayaa waxa kale oo uu sheegay in xilliga uu soo gaaray go’aanka ka bixitaanka Muqdisho ee Al-Shabaab ay gacanta ku hayeen manhaj waxbarasho oo ay soo saari jirtay kooxda, sida uu sheegay.

“Waxaan xiligaas uu warka soo baxay aan gacanta ku haynay manhaj waxbarasho oo Tarbiyada Islaamka iyo luuqada Carabiga oo ay soo saari jireen, oo sixitaankii u dambeeyay uu marayay.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Sababta ugu weyn waa khilaafka. Madaxda waxyaabaha ay isku haysteen waxay aheyd in ninka la badelo (Godane) natiijadii inta aysan imaan ayuu xaga ka tuuray (al-Qaacida).”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Godane oo xilligaas ahaa hoggaanka u sareeya ee Shabaab uu sii xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya hoggaamiyeyaasha kale, taasi oo keentay in ay is-ugaarsadaan dhexdooda.

“Wuxuu bilaabay in uu iyagii ugaarsado, dagaalkii waa sii dheeraaday oo magaalooyinka ayaa laga sii baxay illaa iyo Baraawe, waa tii markii dambe labadii nin lagu dilay boqolaal qofna meeshii lagu xiray.”