Israel oo ka carootay tallaabo uu qaaday Midowga Afrika, weerar ku qaaday laba dal

Addis Ababa (Caasimada Online) – Israel ayaa si weyn u cambaareysay sida ba’an ee ergaygeeda looga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Waxay ku eedeysay dowladda cadawga weyn ay yihiin ee Iran in ay soo abaabushay tallaabadaas, iyada oo gacan ka helaysa dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ilaalada oo galbinaysa ku-xigeenka agaasimaha guud ee Israel u qaabilsan Afrika, Sharon Bar-li oo ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa ku tilmaamay dhacdada maanta mid aad u daran, isagoo xusay in Bar-li uu ahaa goobjooge ka qeyb-galkiisa la aqoosan yahay, oo haysta calaamadda ka qeyb-galka shirka.

“Waa wax laga xumaado in la arko Midowga Afrika oo gacanta u galay tiro yar oo ka mid ah dowladaha xagjirka ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, kuwaasi oo uu ku jiro naceyb, ayna maamusho Iran,” ayuu yiri afhayeenka.

“Dawladaha Afrika waa in ay ka hortagaan falalkan, kuwaasi oo dhaawacaya dhaqdhaqaaqa Midowga Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenku.

Midowga Afrika ayaan ka jawaabin mar ay wakaaladda caalamiga ah ee AFP ay arrintan wax ka weydiisay.

Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Vincent Magwenya oo la weydiiyay eedda Israel ee ah in Koonfur Afrika iyo Aljeeriya ay ka danbeysay in ergaygeeda laga ceyriyo shir madaxeedka ayaa u sheegay AFP, “Waa in ay caddeeyaan sheegashadooda.”

Israel ayaa 2021-kii Midowga Afrika ka heshay maqaam goob-joogenimo kadib tobanaan sano oo ay dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay, tallaabadaasi oo ay ka soo horjeesteen dowlado awood leh oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya, kuwaasi oo ku dooday in taasi ay qarineyso bayaannada Midowga Afrika ee taageeraya Falastiiniyiinta.

Sannadkii hore, dood adag ayaa ka dhalatay aqoonsiga Israel ee goobjoognimada shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo Falastiiniyiintu ay ku boorrriyeen in lagala laabto.

Shir madaxeedkii 2022-kii ayaa hakiyay dood ku saabsan in aqoonsiga lagala laabto Israel iyo in kale, iyadoo la unkay guddi arrintan loo xilsaaray.

Muranka ayaa ka dhashay markii Moussa Faki Mahamat, oo ah madaxa Guddiga Midowga Afrika uu aqbalay maqaamka goob-joognimada Israel, taasi oo dhalisay khilaaf naadir ah oo ka dhex dillaacay hay’addan qiimeysa is afgarad wadajir ah.

Midowga Afrika ma uusan sheegin haddii ajandaha sanadkan ay ku jirto in dood laga yeesho maqaamka Israel ee ka qeyb-galka shir madaxeedka Midowga Afrika iyo inkale.