Daawo: Ciidamada booliska iyo kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay Waaberi

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ee qaybta Waliyow Cadde oo xalay laga sameeyay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamullada degmooyinka ee qaybta Waliyow Cadde, sida Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Xamarjajab ee gobolka Bnaadir.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmada Waabari oo ay horay uga dhaceen falal amni darro, kuwaas oo ay kamid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Howlgalkan ayaa waxaa loogu magac daray (Garan-waa), waxaana lagu beegsanayaa xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Muqdisho.

Inta uu socday howlgalka waxaa lagu soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ay horey u wateen ciidamada ammaanka, halka kuwii la hubiyeyna lasii daayay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Waabari, Maxamed Sheekh Sayid Cali oo la hadlay warbaahinta kadib howlgalka ayaa ka warbixiyay ujeedkooda, wuxuuna shaaciyay in la baadi gaabayay dadka sameeya falalka ammaan darrida ee ku sugan gudaha degmadaasi.

“Maanta waxaan halkan u joognaa inaan soo saarno garan waaga ku dhex dhuumanaayo degmada Waabari iyo doolka halkan dadka ku u gaarsanaayo,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, isla-markaana la gaarsiin doono dhammaan waaxaha ay ka kooban tahay degmada Waabari.

“Cawada kaliya ma’ahan waa la sii wadi doonaa maalinba waax ayaa la tegi doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socday howlgallo ay ka wadeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaha ciyaal weerada.