DF Soomaaliya oo si dhab ah u wajaheysa arrin ay muddo ka indho qarsaneysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Eedo xoog leh ayaa loo jeedinayay muddo fog ciidanka ilaaliya waddooyinka caasimada Soomaaliya.

Dhowr iyo kontan isgoys oo Muqdisho ay leedahay waxaa fadhiya ciidan dowladeed ,haddana ma baaqato dhibaatada shacabka ee ka imaaneysa Shabaab-ka kasoo gudba baraha kontaroolada iyo dhibaatada isla ciidanka isgosyada jooga kula kacaan dadweynaha.

Laaluush qaadasho, balwada maanka doorisa iyo dayac ayaa xoog loogu eedeyay ciidanka jooga waddooyinka caasimada.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa xoogeysatay dhibaatada askarta dowladda u geysaneyso dhalinyarada ku shaqeysata mootada Bajaajta, waxaana dowladda loogu baaqay inay arrintaas si deg deg ah wax uga qabato.

Inta badan askarta dilalka ka geysata magaalada Muqdisho waxaa lala xiriiriyay isticmaalka badan ee daroogada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn sheegay inay dowladdiisa go’aansatay in wax laga bedelo ciidanka jooga magaalada Muqdisho oo guud ahaan laga saaro kuwa daroogada cuna.

Ra’iisul Wasaaraha ma qarin jiritaanka, masuuliyad darada iyo dhaqan xumada ciidanka ilaaliya waddooyinka waxaana uu sheegay in dowladdiisa ay go’aansatay in ciidankaas laga nadiifiyo kuwa balwada xun leh.

Xamza Cabdi Barre waxa uu qiray in askarta xoogga u isticmaasha daroogada inay amni darada qeyb ka yihiin.

In isbadal lagu sameeyo ciidanka ilaaliya waddooyinka magaalada Muqdisho wuxuu ahaa codsi shacab oo muddo soo jiray, waxaana muuqata inay ugu dambeyn xukuumaddu arrintaasi aqbashay.

“Checkpoint-yada ciidamada jooga waa dadaalan laakiin marka dib u daraaseynay waxaan u aragnay inay lagama maarman tahay in aan wax ka badalno. Askari daroogo soo isticmaalay oo miyir qabin dad shacab ah inuu baaro oo ilaaliyo waxay noqoneysa qeyb kamid ah halista, dhinaca askarta dowladda waxba ka qabaneyna.”

“Balanku waxa weeyi in hal askari oo balwad leh uu Checkpoint-ga taagnaan, maalmo inay qaadato waa dhici karta ee laakiin balanku waxa weeyi askari balwad leh in uusan shacabka Soomaaliyeed usoo istaageyn checkpoint.”