Al-Shabaab oo Muqdisho ku dishay Cusmaaney iyo Cabdi-Weli oo kamid ahaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay dishay laba nin oo kamid ah ganacsatada daroogada noocyadeeda kala duwan ku iibin jiray gudaha magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan billowday howlgallo ay ku baacsaneyso ciyaal-weerada iyo dadka ka ganacsada daroogada ayaa waxay xalay dagaal-yahaano ka tirsan weerar ku qaadeen degmada Wadajir, gaar ahaan suuqa weyn ee degan, halkaasi oo ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Cusmaaneey oo ahaa nin ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

Ninkan ayaa ayay kooxdu sheegtay in lagu dhex dilay isla goobtii uu ku iibinayay daroogada noocyadeeda kala duwan ee gudaha suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxay sheegtay in isla xalay weerar kale ay maleeshiyaadkeedu ka fulisay deegaanka Garasbaaley gaar ahaan agagaarka Macaane ee duleedka Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxay sheegtay in lagu dilay Cabdi Weli Ilyaas oo isaguna ka ganacsanayay daroogada noocyadeeda kala duwan, sidoo kalena waxaa lagu dhex dilay goobtiisii uu daroogada ku iibinayay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan ku u dhawaaqday in howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal weerarada, ayada oo tan iyo markaas magaalada Muqdisho ka fulisay dilal kala oo ay sheegtay inay ku khaarajisay qaar kamid ah horjoogayaasha ciyaal-weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada.

Dabayaaqada bishii hore ayay aheyd markii ay kooxda shaacisay in deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ay ku dishay Cabdiqaadir Carab oo kamid ahaa horjoogayaashii ciyaal-weerada, islamarkaana dhalinyarada magaalada Muqdisho ka gadi jiray taanbuuga iyo xashiishka.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya xilli ay kooxaha ciyaal-weerada markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhibaato xoog leh ku hayay shacabka ku nool magaalada Muqdisho.