Sawirro: Imaaraadka Carabta oo maanta Muqdisho kasoo dejiyay 800 tan oo ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kasoo dajisay gargaar mucaawino ah oo gaaraya 800 tan.

Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dekada magaalada Muqdisho kala wareegay safiirka dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi deeqdan gargaarka ah.

Deeqda Imaaraadka ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka, waxaana loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka abaraha iyo coladaha ay sameeynta ku reebeen, sida ay shaacisay hay’adda SODMA.

Sidoo kale waxaa la gaarsiin doona mucaawinadaan oo loogu tala-galay shacabka ku nool deeganadii dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ee maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA)ayaa dowlada iyo Shacabka Imaaraadka kaga mahad-celiyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ballan-qaaday in ay gaarsiin doonaan dadkii u baahnaa ee guud ahaan ku sugan dalka.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay caawinta walalahooda Soomaaliyeed, islamarkaana ay sii wadi doonaan gargaarka bini’aadannimo.

Imaaraadka ayaa sidan oo kale bishii August ee sanadkii hore Soomaaliya keenay deeq ka koobnayd 40 konteenar oo ay ku jiraan raashin kala duwan oo loogu tala-galay dadka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.

Deeqdaas ayaa waxaa xilligaasi la wareegay xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib markii ay muddo toddoba berri ah ku xayirneyd dekadda Muqdisho, kadib markii la isku qabsaday ciddii maamuli laheyd.

Soomaaliya ayaa waxa ka jira abaar daran, iyada oo dad gaaraya hal milyan oo qof ay ku barakaceen, sidoo kale waxay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.