Nuune: “FSAN ahaan waxa aan u baahannahay in na lala xisaabtamo, waana waajib”

Amsterdam (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali Nuune, ayaa sheegay in guddigoodu wadaan dedaalo dib boorka looga jafayo waxqabadka guddiga FSAN, si fursad loogu abuuro ururada xubnaha ka ah dalladda & guud ahaan mushtamaca Soomaalida.  

“Waxaa wadnaa dedaalo lagu balaarinayo waxqabadka iyo wada-shaqeynta ururada ku bahoobay FSAN.  Waxaan ka shaqeyn doonaa guddigeena Soomaali middeysan, hadafkeeduna yahay in ay isku faa’iideeyaan, kana faa’ideystaan fursadaha dalkan ka jira,” ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo intaasi raaciyay in FSAN ay safiir u tahay mushtamaca Soomaalida, loogana baahan yahay guddigooda in ay qaataan kaalintaas.  

Nuune, oo wareysi siiyay Somali Nederland TV, waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in kalsoonida & codka ay siiyeen guddigooda ururada xubnaha ka ah FSAN in aanu baylah noqon doonin Insha ALLAAH sida uu hadalka u dhigay, ayna ka shaqeyn doonaan sidii FSAN oo middeysan u gaari laheyd hadafkii loo aasaasay. 

Aniga aragtideyda, ururada xubnaha ka aha FSAN waxaan rabnaa qudhooda in ay na la xisaabtamaan guddi ahaan, oo halkii doorashada 4-ta sanno la isugu imaan jiray in la soo yareeyo oo sannad ama 2 sanno kasta  la isugu yimaado shir is xog-wareysi ah, si loo dhiraan-dhiriyo waxqabadkeena, haddii aydnaan nala xisaabtamin waa iska seexan karnaa,  waxaan ku kalsoonahay guddiga hadda shaqeynaya in ay yihiin guddi xul ah, oo ka soo dhalaali kara waajibaadka loo igmaday,” ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Isaga oo ka hadlayay midnimada Soomaalida dhexdeeda ah, wuxuu tilmaamay Nuune, in midnimadu ka wanaagsan tahay tafaraaruqa.   

“Guddigeena, mar walba oo ay Dowladdu u baahan tahay in ay Soomaalida ku wargeliso farrimaha muhiimka ah ee quseeya waa la inoo yeeraa, marka aan tagno xafiisyada wax lagu go’aamiyo urur & dan qaas ah  kama hadalnee, waxaan ku hadalnaa codka Soomaalida,” ayuu yiri C/qaadir, wuxuuna intaasi ku daray isla xisaabtanku iyaga guddi ahaan in ay dhiiragelin u noqoneyso. 

“FSAN waa dallad ay ku middeysan yihiin ururada Soomaalida ugu badan ee dalkan Holland ka dhisan, waxaan qaadanay mas’uuliyad. Dalkan aan ku noolnahay nidaamka lagaga dhaqmaa waxay tahay; koox kasta oo la siiyo kalsoonida inta badan, in xaq loogu leeyahay in mas’uuliyadaas lagula xisaabtamo,” ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Guddoomiyaha Jaaliyadaha Soomaalida Zwolle C/qaadir Nuune, isaga oo sii faahfaahinaya hadalkiisa, waxaa uu intaa ku daray in nidaamka dimuqoraadiyadu yahay mid kalsoonida & miisaanku ay wada socdaan, si qofka xilka loo dhiibay xilli kasta oo loo baahdo loo soo gole-fadhiisiyo si loola xisaabtamo. 

C/qaadir Nuune, mar uu ka hadlayay muddadii sannadka aheyd ee guddigoodu shaqeynayay, wuxuu sheegay in ay qaadeen tillaabooyin dhiiragelin u noqon kara qorshooyinkooda mustaqbalka. 

 “Ka sokow in dalkan ay ka jiraan fursado bulshada lagaga faa’ideyn karo, haddana dhinac kale FSAN mar walba oo nala weydiiyo su’aalo dalkeena ku saabsan waxaan ka bixinaa sawir qurxoon oo aan ku dhiiragelineyno in Dowladda NL & hay’adaha samafalka in ay la shaqeeyaa Soomaaliyada cusub ee uu horkacayo Madaxweyne Xassan Shiikh,” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.  

“Waxaan dhiiragelineynaa mar walba in  Dowladda NL aan kala shaqeyno sidii ay kaga qeybqaadan laheyd dedaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta & nabadeynta dalkeena,” ayuu yiri C/qaadir Nuune.