Mucaaradka Somaliland oo farriin u direy Guuleed iyo ‘nooca wada-hadallada…’

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii u horeysay farriin toos ah u direy ergeyga cusub ee wada-hadalada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed, xilli la filayo inay dib u billowdaan wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ergeyga cusub looga baahan yahay in wada-hadalada labada dhinac ay marka hore ku bilowdaan “soo celinta heshiisyadii labada dhinac hore u wada-galeen”.

Guddoomiye Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lagama maarman ay tahay in wada-hadalada dib u bilaabanaya ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay noqdaan kuwa ku qotoma sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

“Soomaaliya iyo Somaliland haday wada-hadlayaan mid uun baanu ka wada-hadlaynaa, taasina waxa weeyi in aan ka wada-hadalno sidii aanu wax u qaybsan lahayn, weliba laba dal oo walaalo ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.

“Waxaa loo baahan yahay in wada-hadaladu ku bilaabmaan waji wanaagsan oo walaalnimo ka muuqato, iyada oo lasoo celinayo heshiisyadii labada dhinac ay hore u galeen, nabadana laga wada shaqeeyo.”

Guddoomiye Faysal ayaa ku dooday in qadiyada Somaliland ee gooni-goosadka ay tahay mid lama taabtaan ah, taasi oo marka la fiiriyo sii fogeyn karta in natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo wada-hadalada la filayo ee labada dhinac.

“Jamhuuriyadda Somaliland gorgortan gali mayso hada kiini gorgortan galiseen oo Shab u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mardambe cid la yeelan mayno,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbigada mucaaradka ee Ucid oo si adag uga horyimid in midnimada ay rabto dowladda federaalka Soomaaliya miiska wada-hadalada la soo saaro.

Dowladd federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga fadhiyo inay qirto “in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo walaalo ah, oo kala madax-bannaanaa oo midoobay 1960-kii, islamarkaana ay dib u kala baxeen,” sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan kasoo yeeray mucaaradka Somaliland oo la rumeysan inay kala socoto xukuumadda ayaa waxaa uu imanayaa xilli ay socdaan dadaallo dib loogu bilaabayo wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jiray, iyada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ergey cusub oo u gaar ah wada-hadalada Somaliland.

Si kastaba, wada-hadalada labada dhinac oo muddo soo socday ayaa waxaa la tilmaama in inta badan ay horumar ka sameyn waayan in labada dhinac ay miiska soo saaran laba qadiyadood oo kala fog, kuwaasi oo ah midnimo iyo gooni-goosadka, taasi oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn.