Ruushka iyo Ukraine oo isdhaafsaday maxaabiistii ugu badneyd

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday in ka badan 200 oo maxaabiis dagaal ah maalinimadii Isniinta, sida laga soo xigtay masuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay sii daysay 106 askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka, kadib wadahadal dhex-maray labada waddan.

Dhanka kale agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa isna xaqiijiyay in dhankiisa Ruushka uu sii daayey illaa 100 maxbuus oo ay ku qabteen dagaalka Ukriane.

Labada dhinac midna ma bixinin faahfaahin intaas ka baxsan, iyo weliba habka loola kala wareegay maxaabiista.

Agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in qaar ka mida maxaabiista Ukraine ee la sii daayey inay qabaan dhaawacyo aad u xun iyo weliba xanuuno kale.

Isweydaarsiga maxaabiistu waa mid ka mida, meelaha kooban ee ay ka wada-shaqeeyaan Ruushka iyo Ukraine, tan iyo markii uu dagaalku ka dhex qarxay.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.