Xabad joojintii SUDAN oo fashilantay iyo barakac ka billowday KHARTOUM

Khartoum (Caasimada Online) – Kumannaan qof ayaa Arbacadi maanta ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartoum, kaddib marki uu dagaalka u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysani uu galay maalintiisii shanaad.

Qaxa ayaa yimid, kaddib marki Talaadadi uu fashilmay iskuday heshiis xabbad-joojin ah oo ay labada dhinac isku afgarteen, kaddib afar maalin oo dagaal culus uu ka socday Khartoum iyo magaalooyinka mataanaha la ah.

Dad ku nool xaafado kala duwan oo ka tirsan Khartoum iyo Omduman ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka baxaya magaalada.

Dadka qaar ayaa maalayay cagahooda, halka kuwo kale ay wateen gaadiid. Dadkaan ayaa u qaxay magaalooyin kale ee dalka ee ka nabaddoon colaadda.

Dhanka kale, iskuday kale oo xabbad-joojin ayaa fashilmay caawa, walina waxaa caasimadda ka sii socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF.

Goor sii horeysa oo maanta ah, dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum, halkaas oo ay ku yaallaan guryo uu leeyahay ninka hogaaminaya xoogaga millatariga kasoo horjeedda General Mohamed Hamdan Dagalo, oo lagu naaneeso .

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in qoyskiisa ay ku noolyihiin xaafaddaasi, balse ma Jiro war si rasmi ah u xaqiijinaya.

Warbaahinta Af-Carabiga ku hadasha ee AlJazeera ayaa sheegtay, in dagaalka ka socda Khartoum ay ilaa iyo hadda ku dhinteen ugu yaraan 270 ruux, halka dhaawacu marayo 2,600.

VOA