Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ah

Awdheegle (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Guutada 14-ka Octobar ayaa lagu soo warramayaa inay maanta howlgallo culus ka sameeyeen agagaarka degmada Awdhgeele oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaanka Gumeysi-diid  oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeyso sarkaal ka tirsan ciidamada Guutada 14-ka Octobar waxaa howlgalka lagu dillaa illaa 5 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo xilligaas dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegaanka Gumeysi-diid oo 9 KM u jira Awdheegle.

“Taliyaha Guutada 14 oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaaboow oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka sida ayaa xusay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay,” ayaalagu yiri warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi kusii daray inuu howlgalka sii socon doono, isla-markaana ujeedkooda uu yahay in xoogaga Al-Shabaab ay ka xoreeyaan deegaanadaasi.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay inta badan kasoo abaabuusho weeraro ay ku qaado saldhigyada ciidamada huwanta.

Si kastaba, deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka oo la filayo inay kusoo biiraan waddamada dariska.