25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro: Talyaaniga oo safiir cusub u soo dirsaday Soomaaliya iyo Xasan Sheekh oo …

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya.

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa Pier Mario Daccò Coppi, waxaana munaasabadda warqadaha aqoonsiga looga gudoomay ay galabta ka dhacday  Madaxtooyada Qaranka.

Danjiraha cusub ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loogu sameeyay Soomaaliya.

Sidoo kale danjiraha cusub ee Talyaaniga ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday cuna-qabatayntii hubka.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay hormarada laga gaaray dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News