Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba joogtu ku leeyihiin dalalka ay nool yihiin gaar ahaan doorka firfircoon ee haweenka.
Sidoo kale waxa uu xusay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin hormuud ah ku leeyihiin horumarka dhaqan dhaqaale ee dalkooda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.
Xildhibaan Hodan Xasan ayaa dhankeeda ka mahad-celisay soo dhawaynta qiimaha badan ee loogu sameeyey dalkeeda hooyo.
Waxa kale oo ra’iisul wasaaraha uga warbixisay xaaladda qurba-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka oo si dhaw ula-socda guulaha isdaba jooga ee ah ee dowladdu Soomaaliyeed ku tallaabsatay sanadihii ugu danbeeyey.
Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan lagu laheyn deynta.



