25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Naadiya Maxamed oo loo dhaariyay duqa St. Louis Park

Bookmark
Bookmarked

Share

St. Louis Park(Caasimada Online) – Naadiya Maxamed ayaa loo dhaariyay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, kadib xaflad ka dhacday xarunta magaaladaasi, taasi oo ay kasoo qeyb-galeen boqollaal ka tirsan Soomaalida gobokaasi oo ay ku jireen xubnaha la doorto.

Naadiya Maxamed oo 27-jir ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

Waxay doorashadeeda kahor aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.

Duqii hore ee magaalada St. Loius Park, Jake Spano oo shir-guddoominayay kulankiisii ugu dambeeyey ee golaha deegaanka magaaladaas ayaa sheegay inuu ku faraxsanayay isbedelka ka dhashay doorashadii bishii Novermber ee sannadkii hore.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay hoggaanka cusub ee magaalada St. Loius Park.

- Advertisement -

Read more

Local News