Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa goordhow kusoo dhamaaday wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland oo oo si weyn loogu loolamayo.
Doorashada ayaa waxaa wareegga labaad usoo gudbay saddex musharrax oo kala ah:- Saciid Deni, Dr Guuleed Saalax iyo Abshir Jaamac Huurse.
Saciid Deni oo hoggaanka haya ayaa helay 40 cod, halka Dr Guuleed Saalax Barre uu helay 17 cod, sidoo kale waxaa Abshir Huruuse oo haray ayaa helay 9 cod.
Wareegga saddexaad waxaa sidaas ugu gudbay musharrax Saciid Deni iyo Dr. Guuleed Saalax oo midkii guuleystaa uu noqon doono madaxweynaha 7-aad ee Puntland.
Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee la dooran doono ayaa waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreysao wax ka qabashada khilaafka haatan Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo inay qabtaan muddo xileedkooda doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale waxaa isla maanta la guda gali doonaa doorashada madaxweyne ku xigeenka labaad oo ay u taagan yihiin illaa 11 musharrax oo iyana shalay jeediyay khudbadahooda.
Dhanka kale, ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogayGaroowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.
Puntland ayaa maalmihii u dmabeeyay ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta loo fadhiyo ee ka socota caasimada Garoowe.