Daawo: Doorashada Puntland oo ka socota Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal maanta waxaa ka dhaceysa doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, taas oo ay ku tartamayaan musharraxiin gaareysa illaa 22 musharrax.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota Garoowe, waxaana hoolka doorashada hadda diyaar ku ah xildhibaannnada iyo qaar kamid ah musharraxiinta.

Xilka madaxweynaha waxaa ku loolami doono illaa 11 musharrax oo uu ku jiro madaxweyne Saciid Deni oo loolan adag kala kulmaya xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale waxaa xilka madaxweyne ku xigeenka u tartamaya 11 musharrax kale oo iyaguna u hanqal taagaya qabashada xilkaasi.

Dhammaan musharraxiinta ayaa shalay khudbadahooda iyo barnaamijkooda wax qabad ka hor jeediyay xildhibaannada, waxaana maanta la filayaa in lagu kala baxo doorashada.

Madaxweynaha cusub ee imaan doono ayaa noqonaya kii todobaad ee soo mara Puntland oo haatan jirsatay 25 sano, waxaana laga sugayaa inuu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaan qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogay magaalada Garoowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Puntland ayaa maalmihii u dmabeeyay ku jirtay xaalad adag, waxaana sidoo kale taagnaa khilaaf kala dhexeeyay dowladda federaalka, kaas oo saameyn ku yeeshay labada dhinac.