Dalladda isutagga ururada Soomaalida Nederland (FSAN) oo shir degdeg isugu yeertay…

Amsterdam (Caasimada Online) – Kulan ay soo qabanqaabisay Dalladda Isu-tagga Ururada Soomaalida ee magacadeeda loo soo gaabiyo FSAN, oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah oo ka dhisan waddanka Nederland, ayaa lagu falanqeeyay arrimihii ugu dambeeyay ee ka dhacay geyiga Soomaaliya, qaasatan heshiiskii 1-dii bisha Janaayo ay Addisababa ku gaareen R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi; Heshiiskaas oo Itoobiya loogu oggolaaday inay isticmaasho qaybo kamid ah badda Soomaaliya. 

Kulankan oo lagu qabtay aaladda  fogaan-arag (Zoom)  ayaa aqoonyahanadii ka qeybgalay waxey si aan kala har laheyn u cambareeyeen damaca Itoobiya ku  dooneyso dhul-badeedkaa Soomaaliya,, iyada oo lagu balamay in la sii ambaqaado shirar ballaaran oo lagu xoojinayo sidii mushtamaca Soomaalida iyaga oo aan u kala harin ay arrintaasi cod-dheer ugu diidi lahaayeen. 

“Haddii aan nahay ummadda Soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan waxaa inala gudbooon in si aan kala har laheyn aan dareenkeena ku muujineyso in Itoobiya aysan ku dhici karin in ay qaadato taako ka mid ah baddeena,” ayuu yiri Cali yaxye oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederland, isaga oo ku tilmaamay Soomaalida dalkaasi in ay kuwa kaga duwan Soomaalida kale ee Yurub in mar walba oo lagu soo xadgudbo taako ka mid ah  dalka in ay si midnimo leh kaga falceliyaan. 

“Wax kasta oo kale waynu ku kala aragti duwanaan karnaa, wax waan isu diidi karnaa, waa is tuuryeyn karnaa, laakiin marka cadow dibedda ah uu dalkeena soo hunguriyeeyo waa waajib muqadas ah inaan u midowno,” ayuu yiri Xoghayaha FSAN Cali Iikar, isaga oo u mahadceliyay madaxdii ururada ee kulankaasi ka soo qeybgalay. 

Kulanka caawa dhacay ayaa ka dambeeyay shirka shir habeen hore ay isugu yimaadeen Guddiga FSAN; shirkaas oo guddiga FSAN markii ay derseen dareenka & walaaca dadka Soomaalida ah ay ku abuurtay heshiiska Itoobiya loogu xalaaleeyay badda Soomaaliya, ay iclaamiyeen shir ay ka soo qeybgalayaan hormuurka ururada si lagaga tashado waxa laga yeelayo arrintaas, 

Kulankan oo ay shir guddoominayeen Guddoomiye ku-xigeenka FSAN C/qaadir Cali (Nuune) & Xoghaye Cali Iikar oo ka mid ah Guddiga FSAN ayaa ahaa fagaare lagu dhageysanayay aragtida & afkaarta ay qabaan hogaanka ururada. 

“Farriinta caawa aan u gudbineyno waxeey tahay annaga oo ah mushtamaca Soomaalida ee waddankan ku dhaqan ah, inaan si mideysan ugu niraa” Itoobiya MAYA taako ka mid ah badda Soomaaliya” Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka FSAN C/qaadir Nuune oo isagu inuu ka tirsan guddiga FSAN ka sokow ahaa mas’uulkii abaabulay shirkan looga hadlayo in Soomaalida NL ay go’aan ka qaadato qadiyada ku saabsan damaca Itoobiya. 

Kulankan dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa; Cali Waare, Mahad Axmed, Cali yaxye, Liibaan Honest, Ruqiyo Caddow,  Zahra Naaleeye, Salaado & xubno kale oo laf-dhabar u ah FSAN & Jaaliyadaha Soomaalida.  

Gabagabadii kulanka waxaa la isku afgartay in la magacaabo guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya sidii codka Soomaalida NL u gaari lahaa Dowladaha caalamka.  

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan