Cayaartoyda Galmudug iyo Banaadir oo farriin culus ka soo saaray kulanka maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Macalimiinta cayaartoyda Gobolka Banaadir iyo Galmudug ayaa si wadajir ah farriin ugu diray taageerayashooda ka hor kulan cayaareed adag oo Isniinta maanta ku dhexmari doona garoonka Stadium Muqdisho.

Macalinka cayaartoyda Galmudug Axmed Tahliil iyo Macalinka cayaartoyda gobolka Banaadir Daadir Amiin oo xalay warbaahinta la haflay ayaa taageerayaashooda daawashada ciyaarta garoonka u imaanaya ka codsaday inay iska ilaaliyaan fowdo iyo wax kasta oo buuq dhali kara.

“Dhinacaa doonto taageer, walaal waxaan kaa codsaneynaa in garoonkaas aadan ka sameyn wax buuq ah, dhinac kasta ayaa guuleysa kara, bareejo ayaa la geli karaa, laakiin waxaa muhiim ah in adigoo bad qaba oo dad kale aan dhib u geysan aad ka soo baxdo garoonka,” ayuu yiri Axmed Tahliil oo ah macalinka cayaartoyda Galmudug.

Sidoo kale Axmed Tahliil ayaa farta ku goday inay jiraan dhalinyaro u diyaarsan inay buuq iyo fowdo sameeyaan, isagoo taageerayaasha kale ka dalbaday inay iska qabtaan xubnahaas, inta aysan dhibaateyn ayaga iyo cayaartoyda ay taageerayaan.

Dhankiisa, Daadir Amiin oo ah macalinka cayaartoyda gobolka Banaadir ayaa isna taageerayaasha labada dhinac ka codsaday inay ka fogaadaan wax kasta oo fowdo dhalin kara, si cayaar wanaagsan ay uga dhacdo garoonka.

“Taageerayaasheena waxaan leeyahay niyadiina dejiya waad guuleysaneysiin waxaa la idiin yahay marti, wax qalaalase ah yaan laga sameyn garoonka, waana guuleysa doonaa, insha allah,” ayuu yiri Daadir Amiin, macalinka cayaartoyda gobolka Banaadir.

Sidoo kale qaar ka mid ah cayaartoyda labada kooxood ayaa la hadlay taageerayaashooda, iyagoo codsaday inay ka fogaadaan fowdada, maadaama garabkii ay taageerayaashoodu fowdo sameeyaan dhibcaha lagala noqon doono.

Cayaartii ugu dambeysay ee cayaartoyda gobolka Banaadir ay la cayaareen dhigooda HirShabeelle ayaa ku soo dhamaatay fowdo iyo qalalaase ka dhacay garoonka, taas oo lagu eedeeyey taageerayaasha cayaartoyda gobolka Banaadir, waxaana lagu ganaaxay gobolka Banaadir in dhibcihii tartankaas ay dhib la’aan ku qaataan cayaartoyda meteleysa HirShabeelle.