Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.
Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka Talyaaniga Amb. Pier Mario Daccò Coppi ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.
Sidoo kale wuxuu bogaadiyey safiirka dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.
Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi.