Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee kasoo jawaabay dalabkii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay dalalka saaxiibka la’ah iyo deeq bixiyeyaasha.
Guddoomiyaha hay’adda SODMA ayaa dhawaan sheegay in dalka uu galay xaalad adag kadib markii ay kasii dartay marxalada abaarta, waxaana maanta deeqdii wejiga koowaad soo gaarsiisay dowladda Imaaraadka Carabta.
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq gaar raashin ah oo gaareysa 700 oo ton.
Deeqadan oo Imaaraadka uga jawaabayi baaqii Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.
Hay’adda SODMA oo xoojineysa dadaallada looga hortagayo saameynta khtaraha ka dhalan kara abaaraha ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay magaalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso.
Gargaarkaan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna ku xeeran.
Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala g-galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda.
Guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.