26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Maxaa la gudboon Xasan iyo mucaaradka kahor gogosha?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa haatan fidiyay gogol wadatashi ah oo ay qayb ka noqon doonaan madaxda siyaasiyiinta mucaaradka oo dhankooda aad usoo dhaweeyay baaqa madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay gogoshan iyo waxyaabaha laga filan karo, maadaama ay kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaadeed oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo iyadoo lagu jiro sii laba kacleyna dagaalka Al-Shabaab.

Mr. Caynte ayaa marka hore ku baaqay in wax laga barto shirarkii hore u dhacay, isaga oo sheegay in madaxweyne Xasan iyo madaxda kale ay la gudboon tahay in ka fiirsadaan go’aannada ay gaarayaan oo uu tilmaamay inay reebi doono mahadhooyin siyaasadeed oo horleh, xilli dalka uu jiro xaalad adag.

“Haddii aan laga waaban, oo aan casharro laga baran goglihii middan ka horreeyay ee 2021 iyo 2016, saameynta ay gogoshani yeelan doonto waxay noqon doontaa mid taban oo reebta mahadhooyin siyaasadeed oo bohol dheer kusii ridi doonta geeddi socodka dibu dhiska dalka ee rubuc qarniga jirsaday” ayuu yiri C/raxmaan Yuusuf Cali (Caynte).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii aan la helin natiijo waxtar leh ay gogoshan noqon doonto mid ay fursad iyo macaash ka heli doonaan kooxaha Khawaarijta.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa ugu baaqay madaxda shireysa inay meel iska dhigaan danahooda gaarka ah oo ay bad-baadiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Gogoshan haddii ay soo saari weyso natiijo ay ku naalloodaan shacabka Soomaaliyeed, iskana noqoto mid ay “saamileyda siyaasadda” ku kala goostaan garabka iyo sararta, sidii looga bartay, falcelinta iyo mahadhooyinka ka dhasha waxaa shaki la’aan ka macaashi doona  Khawaarijta Al-Shabaab iyo dalalka gobolka ee muddooyinkan dambe u malabsanaayay dhammeystirka dhaawaca ku yaalla qarankeenna.” ayuu mar kale yiri.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran;-

Gogosha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Hassan Sheikh Mohamud fidiyey ee yoolkeedu yahay (a) xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku galay sannadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka, iyo (b) u midoobidda halganka xaq u dirirka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, waa mid mudan soo dhaweyn iyo bogaadin. Waliba in madaxweynuhu baaqaas kusoo beego iyadoo ay muddada xilheyntiisa sannad ka hartay waa ifafaale togan.

Ha yeeshee, haddii aan laga waaban, oo aan casharro laga baran goglihii middan ka horreeyay ee 2021 iyo 2016, saameynta ay gogoshani yeelan doonto waxay noqon doontaa mid taban oo reebta mahadhooyin siyaasadeed oo bohol dheer kusii ridi doonta geeddi socodka dibu dhiska dalka ee rubuc qarniga jirsaday.

Labadii xilli doorasho ee lasoo dhaafay, koox loogu yeero “saamileyda siyaasadda” ayaa KA HESHIIYEY hubantii la’aanta siyaasadda, iyagoo KU HESHIIYEY hannaan doorasho oo ka arradan mabaadi’ida iyo akhlaaqda aasaasiga ah ee islaamnimada iyo Soomaalinnimada, KUNA HESHIIYEY iney si qayaxan u boobaan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay inuu si caddaalad iyo hufnaan leh u doorto dadka ku matalaya golayaasha baarlamaanka.

Haddaba, iyadoo maanka lagu hayo sooyaalkaas foosha xun, waxaan ku baaqayaa in laga baaqsado iney gogoshan noqoto mid LOOGU HESHIINAAYO muwaadinka Soomaaliyeed. Madaxda labada heer dowladnimo waxaa la gudboon iney KU HESHIIYAAN hannaan doorasho oo ku qotoma caddaalad, sinnaan iyo hufnaan.

Haddii ay sidaas yeeli waayaan, waxaa hubaal ah ineysan gaari karin yoolka labaad ee ah iska caabbinta argagixisada Al-Shabaab. Duruufta, dareenka iyo jawiga ay ku sameysmaan, kuna bullaalaan fallaagada hubeysan dunida oo dhan, waxaa ugu horreeya caddaalad darrada, eexda, takoorka iyo boobka hantida la wada leeyahay. Intaas oo aafooyin ahna waa kuwa maanta caadi ka noqday dalkeenna, isla markaana ragaadiyey dowladnimadeenna. Caloolna wixii ay ku bukootay laguma daaweeyo.

Ugu dambeyn, haddii ay gogoshan soo saari weyso natiijo ay ku naalloodaan shacabka Soomaaliyeed, iskana noqoto mid ay “saamileyda siyaasadda” ku kala goostaan garabka iyo sararta, sidii looga bartay, falcelinta iyo mahadhooyinka ka dhasha waxaa shaki la’aan ka macaashi doona  Khawaarijta Al-Shabaab iyo dalalka gobolka ee muddooyinkan dambe u malabsanaayay dhammeystirka dhaawaca ku yaalla qarankeenna.

الهـم هـل بلغت

- Advertisement -

Read more

Local News