Muqdisho (Caasimada Online) – Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa durba bilowday dabaal-degga magacaabidda Axmed Macalin Fiqi oo galabta loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, iyagoo aaminsan inuu yahay nin dagaal oo wax badan ka bedeli kara xaaladda dalka.
Muuqaalo laga soo duubay macawiisleyda iyo guud ahaan dadka reer Hiiraan ee dagaalka Al-Shabaab ku fooggan ayaa soo gaaray Caasimada Online, waxayna ku farxeen magacaabidda wasiirka cusub.
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cosoble ayaa ka mid ah dadka Hiiraan ka soo ee ka hadlay magaabidda wasiir Fiqi, wuxuuna bartiisa Facebook ku soo qoray “Hambalyo Wasiir Fiqi waan hubaa inaad Khawaarijta ka guuleysaneyso.”
Bulshada reer Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle oo culeys badan kala kulmeysa Al-Shabaab ayaa nefis u aragta in Fiqi u uku soo biiro furimaha dagaalka, si looga adkaado cadowga.
Dad badan oo xog ogaal ah ayaa Axmed Macalin Fiqi ku tilmaamay nin mudan xilka loo magacaabay ee wasaaradda gaashaandhigga, intii ay jirtay xukuumadaan wuxuu Fiqi isaga gudbay seddax kamid ah wasaaradaha ugu waaweyn dalka uguna muhiimsan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa markii hore loo magacaabay, iyadoo isku shaandheyn dhacday kadib loo bedelay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana ugu dambeyn maanta loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.
Magacaabidda Wasiir Fiqi ee Gaashaandhigga ayaa ku soo aaday iyadoo dalka ay weerar rogaal celis ah ka wado kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmooyin iyo dhowr deegaan oo muddo dheer ku jiray gacanta dowladda.
Rajo badan ayaa laga qabaa in Wasiir Fiqi uu wax badan ka bedelo dagaalka, intii uu joogay wasaaradda arrimaha gudaha ayuu saameyn kooban ku yeeshay dagaalladii lagu xoreeyey deegaano ka tirsan HirShabeelle iyo Galmudug, xiligaas ayey barteen reer Hiiraan oo hadda u dabaal-degaya in loo magacaabay Gaashaandhigga.