25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

PUTIN oo casuumaad u soo diray madaxweyne XASAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa casuumaad rasmi ah u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo shalay lasoo gaarsiiyay, kadib markii uu Madaxweynuhu qaabilay wafdi ka socday dalkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dhambaalka casumaadda inuu ka qeyb galo shirka Ruusha iyo dalalka Carabta oo dhowaan la filaayo inuu ka dhaco Moscow.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay casuumaaddaasi, isaga oo tegi doono Ruushka, si uu uga qay-galo shirka u dhexeeya labadaasi dhinac, oo looga hadlayo arriimo xasaasi ah.

Intaas kadib wafdiga uu qaabilay Madaxweynaha ee ka socday Ruusha, isla markaana uu hoggaaminayay Mr. Mikhail L. Bogdanov oo ah Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yeeshay wada-hadallo gaar ah oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya

Labada dhinac ayaa waxa ay kawada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ruushka iyo sidii labada dhinac uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha dhexdooda ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ku dadaalaya sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda diblumaasiyadeed oo haatan kasii xoogeysanayo sidii hore, waxaana sidoo kale Moscow ay ka qayb qaadataa wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee dalka.

Dhowaan Dowladda Ruushka ayaa ku dhowaaqday ballan qaad culus oo ay u sameysay Soomaaliya, kadib wada-hadal ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalkaasi.

Wada-hadalka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhex-maray guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Ruushka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dalkaas Dr. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, is ay isaga kaashadaan labada waddan.

Horay Ruushka ayaa Soomaaliya ugu soo diray markab siday gargaar, gaar ahaan Qamadi, kaas oo soo gaaray Muqdisho, kadibna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News