Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka, si uu uga soo talo bixiyo, dibna uu golaha ugu soo celiyo.
Kursigaas waxaa ku fadhiyey Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dhowaan sheegay in xildhibaankaas uusan ka soo qeyb gelin ugu yaraan kulamadii dhacay labadii kalfadhi ee u dambeeyey.
Guddoomiyaha ayaa xiligaas sheegay in Xildhibaan Abiib uu waayey xubinimadiisii golaha, sidaas darteedna loo baahan yahay in kursigaas lasoo buuxiyo, maadaama xildhibaankii ku fadhiyey golaha looga saaray soo xaadir la’aan.
Wixii intaas ka dambeeyey waxaa golaha gilgilay khilaaf sababay inay hakad galaan kulamadii golaha, iyadoo mooshin laga qoray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo weli halis ugu jira in xilka laga qaado, sabab la xiriirtay sida uu u maareeyey kiiska Xildhibaan Cabdullahi Abiib.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo arrintaan culeys badan kala kulmaya ayaa caawa soo saaray warqad nuxurkeedu yahay labo qodob oo kala ah;
1 – Inuu dib ugu celiyey Guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka arinta la xiriirta kursiga Hop#201 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib si ay ugu soo talo bixiyaan si waafaqsan godobka 50-aad, farqadiisa 2-aad, xaralka (D) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS.
2 – In Guddiga Xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee
Golaha Shacabka ay tala bixintooda dib ugu soo celiyaan fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, si waafaqsan xeerhoosaad ka Golaha Sahcabka BJFS.
Xildhibaanada u doodaya xubinta golaha laga saaray oo ah Cabdullaahi Abiib ayaa nefis u arka tallaabada uu caawa qaaday Guddoomiye Aadan Madoobe oo ah talaabo lagu qasbay, halisna uu ku galay, maadaama Xildhibaanada mooshinkiisa saxiixay ay kor u dhaafeen 100, sida lagu arkay warbaahinta bulshada.
Xildhibaan Cabdullahi Abiib markii laga reebo inuu imaadiiday kulamada golaha, wuxuu aad uga hadlaa musuqmaasuq uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqanto, wuxuu degan yahay dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in si cad uu u sheegay in Soomaaliya oo Xildhibaan uu ka yahay uu uga baqayo amnigiisa.