Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo mar kale ka hadlay shirka uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ku adkeystay go’aanka diidmada ah ee ka qayb-galka shirweynahaasi.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan dib ugu laaban doonin shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay horay uga baxday, sababo la xiriirka khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in go’aankooda uu weli sidiisii yahay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la qabto wadatashi intaas ka ballaaran oo aan ku ekeyn Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo kaliya, ee ay tahay in la wayneeyo gogosha, lagana kasoo qayb-galiyo dhinacyada hadda maqan.
Ujeedka ugu wayn ee Puntland waxa ku sheegay inuu yahay in is faham buuxa laga gaaro dowlad dhiska Soomaaliya, si looga gudbo marxaladda haatan lagu jiro.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ay haboon tahay in si siyaasadeysan looga heshiiyo khilaafaadka jira, ee la xiriira hannaanka doorashada iyo dastuurka.
“Madasha waxay Puntland ka dhaqaaqday bishii December 2022. Waxay uga dhaqaaqday waxay ahaayeen isfaham-waa ka dhashay qaabka madaxda Soomaaliya u wajahayaan hannaanka dowlad dhiska. Haddii aan Isfaham laga yeelan wax macno oo ay yeelanayso ma jirto inaan kusoo laabano madashii aanu ka dhaqaaqnay,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, waxa uu rajo xumo ka muujiyay shirka haatan loo ballansan yahay ee uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo tilmaamay in uusan xal u keeni karin arrimaha siyaasadeed ee la isku hayo, gaar ahaan muranka doorashada.
Cabdifitaax Cabdinuur oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la ballaariyo ajendaha shirka, isla markaana diiradda lagu saaro arrimaha amniga iyo siyaasad loo dhan yahay in laga gaaro doorashada, si looga gudbo mugdiga ku jira hannaanka doorashooyinka.
Puntland ayaa horay shuruud adag ugu xirtay ka qayb-galka shirka Muqdisho ka dhacaya 5-ta bishaan May, iyada oo sheegtay in ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabaneyso heshiisyadii ay horay uga baxday ee dhaliyay khilaafka labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka GWQ tan iyo bishii December 2022, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii si weyn hoos ugu dhacday sababo la xiriira muranka siyaasadeed.