Muqdisho Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.
Shirka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo iyo maamulka gobolka Banaadir.
Hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa haatan ka maqan Muqdisho, waxaase la sugayaa inay soo gaaraan saacadaha ina soo aadan, si uu u furmo shirka.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo shirka ayaa laga yabaa inuu furmo gelinka dambe ee maanta amaba uu dib u dhaco illaa berri, inta ay imaanayaan madaxda hadda maqan.
Wararka ayaa sheegaya in shirka intiisa badan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka iyo qorshaha doorashooyinka dalka ee 2026.
Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo haatan soo xoogeystay, kadib markii ay kooxda culeys soo saartay Shabeellooyinka.
Madaxda ayaa sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed ay soo saaraan kadib shirkooda, kaas oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee taagan.
Waxaa gebi ahaan shirka ka maqnaan doono madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo haatan uu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka dalka iyo arrimaha dastuurka.
Waxaa kale oo dood wayn qaba xubnaha mucaaradka oo iyagana kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan diiwaangelintooda ay ka socoto qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Dhinaca kale, Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xal u helidda muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada ee sida aadka ah la’isugu hayo.
Dadaallada socda ayaa waxaa hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxda maamulada, si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka wadatashiga ee maanta furmayo oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.