26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Puntland oo shaki wayn ka muujisay go’aannadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne  Saciid Cabdullaahi Deni ayaashaki wayn ka muujiyay go’aannada kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabageeyay magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa ka hortimid qodobada laga soo saaray shirkan oo ay mar hore isaga baxday, waxayna sheegtay aanu quseyn ka maamul ahaan.

Sidoo kale waxa ay eedeyn culus u jeedisa Dawladda Federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna intaasi ku dartay inay qabto shaki wayn oo ku aadan in la rabo in duulaan lagu qaado  Puntland iyo Jubbaland, sida ay hadalka u dhigtay.

“Shirka waxaa ka soo baxey oo Xasan Shiikh ku xalaaleystey duulaan lagu qaado Puntland iyo Jubbaland, waxaase xaqiiq ah in aan lagu guuleysan doonin duulaankan gardaradda ah” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab.

Puntland ayaanan ka qayb-gelin shirka kusoo dhammaaday Muqdisho oo laga soo saaray go’aann culus oo la xiriir xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2026.

Dhankeeda Jubbaland ayaa si weyn uga hortimid go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka maqnaa madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan quseyn qodobada kasoo baxay shirkaas oo qaarkood si toos ah u saameynaya maamulkaasi, maadaama lasoo jeediyay in si sharci ah loo wajahyo xaaladda maamulkaas oo loo xilsaaran wasaaradda arrimaha gudaha,

“Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda Hal Xisbi shirkooda, mana quayso Dowladda Jubbaland.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax Mukhtaar oo qoraal uu soo saaray uga fal-celiyay qodobada shirkii Muqdisho.

Puntland iyo Jubbaland ayaa labaduna waxaa haatan khilaag culus uu kala dhexeeya Dawladda Federaalka, waxayna gebi ahaan isaga baxeen Golaha Wadatashiga Qaran, sidoo kale waxaa go’ay wadashaqeyntii iyo xiriirka ay la lahaayeen dawladda dhexe.

 

- Advertisement -

Read more

Local News