Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ka howl-gala gobolka Hiiraan ayaa howl-gal ballaaran ku tegay deegaanada hoos yimaada degmada Matabaan, si ay u damiyaan colaad beeleedyo dhowaan halkaasi ka soo cusboonaaday.
Colaadahaas ayaa saameyn ku yeeshay nabadgelyada deegaanka, waxaana ay ka dhaceen dhulka miyiga ah ee ku yaalla dhanka woqooyi galbeed ee degmada.
Howl-galkaan waxaa horkacayay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad Sugidda Qaranka. Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan beello walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Miirdacay iyo Miir Makaleey, iyagoo u jeedadoodu tahay in ay joojiyaan dagaalka isla markaana ay dib u soo celiyaan xasilloonida guud ee deegaanka.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada oo si dhow ula shaqeynaya maamulka degmada Matabaan ayaa wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo dagaal kale oo dhaca, iyagoo ka hortagaya in xiisadda markale kacdo.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale, saraakiil ay kamid yihiin Dhamme Cabdi Cismaan Waasuge, Cabdi Muumin iyo Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa la kulmay dhinacyadii ku dagaalamay tuullooyinka hoostaga Matabaan. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joojin lahaa colaadda loogana shaqeyn lahaa xal waara.
Ugu dambeyn, saraakiisha iyo maamulka degmada ayaa ku booriyay beelaha in ay aqbalaan baaqa ciidamada oo ah mid ku saleysan nabad iyo wada noolaansho.
Waxa ay shacabka ugu baaqeen in ay iska kaashadaan ilaalinta nabadda iyo iskaashiga si looga hortago colaado kale oo dib uga soo cusboonaada gobolka.