25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

R/W Xamsa oo seddax qodob ka codsaday dowladda Qatar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi oo wadahad dheer uu yeeshay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn Danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha kala hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya seddax arrimood oo hadda muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1 – Arrimaha ammaanka oo hadda Soomaaliya meel adag ka maraya, dowladuna ay deg deg ugu baahan tahay garab istaag caalami ah.

2 – Arrimaha horumarka oo baahi badan ay u qabto bulshada Soomaaliyeed oo ka soo kabaneysa colaado sokeeye oo u horseeday saboolnimo.

3 – Iyo fulinta Qorshaha cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP) kaas oo la dejiyey in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyso sanadaha 2025 ilaa 2029, balse aan loo heynin wax kharash ah oo lagu hirgeliyo.

Wadahal dheer oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacay kadib, Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah, sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ka balan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha in dowladiisa Qatar ay ka soo jawaabi doonto dalabka cusub ee dowladda Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageera Soomaaliya, iyadoo ficiladooda iyo hab-dhaqankooda aysan ka dhex muuqan dano gaar ah oo dalkeena ay ka fushanayaan, sida Imaaraadka.

- Advertisement -

Read more

Local News