27.8 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Xog: Sidee Al-Shabaab u fuliyeen weerarkii xerada Damaayo? + Muuqaal la helay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helay muuqaalka ninkii saakay isku qarxiyey dhallinyaradii qoraneysay ciidamada qaranka ee lagu beegsaday banaanka hore ee xerada Damaayo ee degmada Hodan, qaraxaas khasaare culus oo aad looga argagaxay ayaa ka dhashay.

Kaamiro goobta ku xireed ayaa duubtay muuqaalka nin ka soo degaya Mooto Bajaaj, kadibna soo dhex aaday dhallinyarada oo saf ku jira wadada dhinaceeda, kuna qarxay.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa Holac ama Dab xoog leh oo goobta is qabsaday iyo dhallinyaradii dhankaas xigtay oo dhulka ku daadaneysa, kadibna uuro ayaa goobta is qabsatay, intaas ayuu ku egyahay muuqaalka la helay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa goobta tagtay, waxayna soo duubeen muuqaalo argagax leh, kuwaas oo baraha bulshada Soomaalida iyo kuwa caalamka aad ugu faafay, waxaa ugu saameyn badnaa Kabihii dhallinyarada oo goobta daadsan, kuwaas oo dhamaantood isku nooc ah.

Kabaha goobta yaallay ee dhalinyaradii wadatay qaraxaas lagu laayey waxay dhamaantood ahaayeen Caag, taasi oo muujineysa duruufta ay ka sinaayeen dhallinyaradaas shaqo la’aanta ku ahaa dalkooda ee dooneysay inay qortaan ciidamada qaranka.

Qiyaastii 20 dhallinyaro ah ayaa halkaas ku geeriyootay, halka ku dhowaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay goobaha caafimaadka ee Muqdisho.

Khasaaraha qaraxaas kuma ekaanin dhalinyaradii feylka ku jirtay ee waxaa ku dhintay, kuna dhaawacmay dad kale oo shacab ah oo saarnaa gaadiidkii goobtaas maraayey, waxaa muuqaalada lasoo duubay laga arkay gaari Caasi ah/Home ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen dadkii saaraa iyo dhowr Bajaaj.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxaas ayaa ka gabasatay inay sheegto khasaaraha, waxayna ku soo koobtay inay baaritaan ku wado, balse waxay xaqiijisay inuu is qarxiyey qof naftiisa haligay oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dhallinyaradii dhaawacyadu soo gaareen oo qaarkood lagu soo wareystay isbitaallada waxay sheegeen inay arkeen ninka is qarxiyey isagoo ka soo degaya Mooto Bajaaj oo wax ku raran, Bac-madowna gacanta ku wata, markii uu soo dhex-galayna intii aysan kala cararin ayuu isku qarxiyey, sida ay sheegeen.

Sida ay dhalinyaradu sheegeen iyo muuqaalka laga arkay kaamirada goobta ee duubtay wixii dhacay ayaa isku natiijo keenaya, waxayna tani noqotay musiibo galaafatay dhallinyaro, jiilkii wadankaan wax u soo bartay, oo shaqo la’aan ku noqday wadankooda, markii ay difaaca dalka aadeen oo ciidamada qorta maageena halkaas lagu laayey.

- Advertisement -

Read more

Local News