28.5 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Sawirro: R/Wasaare Xamsa oo Muqdisho uga qeyb galay xuska maalin ku weyn Turkiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan, si dalkaas horumar u gaaro.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray dowladda iyo Shacabka Turkiga, isagoo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriirka saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah.

Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo taageero.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ay leeyihiin walaaltinimo qoto dheer, oo ku saleysan kalsooni iyo is-garab istaag, maalmaheennii ugu adkaa, Türkiye wuu nagu garab istaagay, waxaa uu Soomaaliya la maray dariiq walba,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Turkigu uu Soomaaliya u dhisay isbitaallo, waddooyin, iskuullo iyo isagoo si buuxda uga qeyb qaatay rajo gelinta bulshada.

“Turkigu wuxuu noo tababaray ciidamada qaranka, wuxuu ka qeyb qaatay xoojinta hay’adaha dowladda, wuxuu garab istaagay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo lagu maamuusay qiimaha maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19-ka Maajo iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka Maajo.

- Advertisement -

Read more

Local News