28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DF oo ka walaacsan qorshaha mucaaradka – Fiqi iyo Jaamac oo war soo saaray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka walaacsan qorshe xoog ah oo mucaaradku rabaan in ay ku hor istaagaan doorashada ay xoogeeda isugu geysay Villa Somalia.

24-kii saac ee lasoo dhaafay qeylo dhaan ayaa ka soo yeertay xubno u badan wasiirro oo ay ugu horeeyaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kuwaas oo warbaahinta marsiiyey hadallo ay ku weerareen mucaaradka.

Wasiir Jaamac ayaa maanta bartiisa Facebook ku soo qoray, “Cabsida ah Doorashada qof iyo codka ah Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku soo bixi karo sow waali ma ahan, sow haddaba 2 jeer kama soo guuleysan ma gudbayaasha, maxaa ku jaban mar sadaxaad hadey Shacabku doortaan.?”

Mar kale wuxuu Wasiir Jaamac soo qoray, “Xooga Tirada badan ee Shacabka iney hogaankooda doortaan la rabo in lagu hor istaago, tolow maa khawaarij lagu wajaho oo saboolnimada lagula dagaalamo. War ka jooga waa baahanahay

bakhti looma cunee!.”

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo xalay la hadlay SNTV ayaa yiri “Waxaa siyaasiyiinta qaar ka halaabay habdhaqanka siyaasadda, qaarkood inay ciidanka caayaan oo dhahaan ma dagaalami karaan iyo waa burburay ciidankii ayey u maleeyaan inay Xasan Sheekh caynayaan.”

Fiqi ayaa yiri “Qofkii naga xishoo waaya oo banaanka iskeena waan feydeynaa anaga, waana sheegeynaa waxa uu ku dhaqmayo.”

Wacaala iyo jawaabaha kulul ee ka imaanaya wasiirrada Dowladda ayaa ku soo aadaya xilli mucaaradku ay gudaha Muqdisho ka bilaabeen dhaqdhaqaaq culus oo ka dhan ah dowladda.

Mucaaradka Soomaaliya oo hadda kusoo qulqulaya Muqdisho ayaa damacsan in ay qaadaan tallaabooyin lagu istaajinayo qorshaha dowladda, halka Villa Somalia ay horay u sheegtay in aan loo joojin doonin cidii ka aragti duwan ee dood ka qabta hanaanka, taas oo keeni karta isku dhacyo hubeysan in ay Muqdisho ka dhacaan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, CC Shakuur iyo xubno kale ayaa maanta isugu tegay Mawlaca Macalin Nuur oo Khaliif Cabdulqaadir Macalin uu ku casuumay, halkaas oo kulan qado ah ay ku yeesheen, kana jeediyeen hadallo ay ku mucaaradeen dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News