27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo geeriyooday

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladdii Kacaanka Soomaaliya, General Maxamed Siciid Xirsi “Moorgan”, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, waxaana la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay kadib markii uu xanuun degdeg ah caloosha kaga soo booday xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Intaa kadib, waxaa loo qaaday magaalada Nairobi si loogu dabiibo, balse nasiib darro wuu u adkeysan waayey.

Gen. Moorgan waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949. Tababaro sare oo ciidan ayuu ku soo qaatay dalalka Maraykanka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid noqday saraakiishii ugu aqoonta sarreysay ee ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya. Waxa uu caan ku noqday doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray gobolka Soomaali Galbeed.

Kadibna, Moorgan waxa uu noqday taliyaha ciidanka “Koofiyo Cas” — guuto ciidan oo si gaar ah u tababaranayd — taasoo kaalin muhiim ah ka qaadatay caburinta kacdoonkii ay sameeyeen jabhadda SSDF ee ka dhisanayd beelaha majeerteen sannadkii 1982.

Laga bilaabo 1986 ilaa 1988, waxa uu ahaa taliyaha milatari ee Sektor 26aad, oo ah dhulka hadda loo yaqaan Somaliland. Sannadkii 1990, waxa uu noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya isla markaana loo magacaabay ku-simaha madaxweynaha xilligii uu maamulku jilcay.

Markii uu burburay xukunkii Kacaanka 1991, Moorgan waxa uu hoggaamiyey jabhaddii taageersanayd kaligii-taliyihii xukunka laga tuuray, Maxamed Siyaad Barre, taasoo loo yaqaanay Somali National Front (SNF).

Intii u dhaxaysay 1991 ilaa 2003, jabhaddan oo uu Moorgan u ahaa hoggaamiye ciidan, ayaa lagu eedeeyey tacaddiyo ba’an oo lagula kacay shacabka ku dhaqan inta u dhaxeysa wabiyada Shabeelle iyo Jubba, gaar ahaan beelaha Digil iyo Mirifle.

Tacaddiyadaas waxaa ka mid ahaa dilal, kufsiyo, burburinta nidaamyadii waraabka, iyo boobka raashinkii bakaarada lagu keydin jiray, taasoo ugu dambeyn horseeday abaar ba’an oo loo yaqaanay “Cagabarar” sannadkii 1992 — abaar lagu tilmaamo tii ugu dhimashada badnayd ee Soomaaliya ku dhufata, iyadoo in ka badan 300,000 qof ay u dhinteen gaajo iyo cudurro.

Waxaa sidoo kale la xasuustaa muuqaal uu si dadban u shaaciyey Moorgan xilligii dagaalladaasi socdeen, isagoo si cad u sheegay in maleeshiyaadkiisu ay “ku nool yihiin bakhaaradii laga boobay shacabka Raxanweyn,” si uu u dhiirrigeliyo hoggaamiyaasha beesha uu ka soo jeedo in ay taageeraan maleeshiyaadka.

Sidoo kale, Moorgan waxa uu muddo kooban soo noqday wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta intii u dhaxaysay 1990-1991, kahor burburkii dowladdii dhexe.

Sanadihii dambe ee noloshiisa, General Moorgan waxa uu degganaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo uu ka noqday la-taliye sare oo dhanka ciidamada ah u qaabilsanaa Madaxweynaha Puntland. Waxa uu si muuqata uga qeyb qaatay arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska maamulkaasi.

 

- Advertisement -

Read more

Local News