Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidkii hore ee caawa fiidkii hore mar kale Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) u magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho.
Guddoomiye Mungaab ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, isagoo soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda.
Xasan Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale muddo dheer wuxuu ka soo shaqeeyay Hay’adaha Garsoorka Dalka iyo Safaarada Soomaaliya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Dhanka waxbarashada, waa sharci yaqaan shahaadada sare ee PHD ka qaatay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan, iyadoo sidoo kale dhammaan heerar kala ee jaamacadahana uu ku qaatay isla dalkaasi Suudaan.
Mungaab wuxuu sidoo kale muddo dheer ka tirsanaa bahda waxbarashada, isagoo qayb ku lahaa dib u soo noolaynta waxbarashada dalka burburkii kadib.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa lagu xasuustaa inuu shaqooyin badan oo wax ku ool ah uu ka soo qabtay Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida iyo Gobalka Banaadir oo meel hoose laga soo bilaabay, maadaama uu dalku ka soo kabanayey burburkii baahsanaa ee dowlad la’aanta.

