Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia, ayaa markii ugu horreysay maanta fahantay saameynta Media, waxayna burburisay ama lumisay saameyntii Shireynaha Mucaaradka uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo la magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Kooxdii Farmaajo ee Nabad iyo Nolol ayaa caan ku aheyd in warka ugu weyn dalka ee raali aysan ka aheyn ay ku bedelaan war kale oo saameyn leh.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo xog ogaal ah, Villa Somalia ayaa hadda mar kale ka fekereysa dhacdo kale oo weyn oo lagu dili karo warka ka soo bixi doona natiijada shirweynaha mucaaradka dowladda uga socda Muqdisho.
Maxamed Amiir oo galabta la bedelay ayaa noqday guddoomiyihii ugu muddo xileedka yaraa ee soo maray gobolka Banaadir, wuxuuna xafiiska joogay muddo lix bilood ah, waxaana la sheegay inuu sababsaday shaqo gudasho la’aan.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqday Murashaxii ugu horreeyay booqday Ciidamada Macawisleyda ee ku jira Isbitaalka Martiini.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Macawiisleyda beesha Xawaadle ee dhaawacyada ah u geeyey daawooyin iyo lacago, taas oo aad ay uga mahadceliyeen.
Sidoo kale, Rooble ayaa mid mid u dul istaagay kana xaal wareystay noloshooda ciidamadaan dhaawacyada ah ee cashirka furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan ugu soo dhigay Khawaarijta, ugu dambeyntiina ku soo dhaawacmay.
Mucaaradka kale oo shirweyne uu Muqdisho uga socdo ayaan weli booqan dhaawacyada ciidamada, waxaana xusid mudan in toddobaadkii hore uu Ra’iisul
wasaare Xamsa ku eedeeyey in uusan mucaaradka ku jirin hal qof oo soo booqday dhaawacyada ama wax taray ciidanka dagaalka kula jira Khawaarijta.


