Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya usoo dirtay 500 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan ciidamada gaarka ah, taasoo ah tallaabo weyn oo kor loogu qaaday taageerada milatari ee ay siiso dalka ku yaalla Geeska Afrika.
Go’aankan ayaa imanaya xilli dadaallada caalamiga ah ee nabad ilaalinta ay la daalaa dhacayaan hoos u dhac miisaaniyadeed iyo khataro isa soo taraya oo ka imaanaya kooxda Al-Shabaab.
Go’aankan ayaa yimid kaddib wada-hadal taleefan oo Axaddii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, horumarinta badda, iyo sahaminta tamarta.
Ciidankan ayaa ah cutub cusub oo ka kooban 300 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah (commandos) iyo 200 xubnood oo ah shaqaale taageero, kuwaas oo diiradda saari doona la-dagaallanka argagixisada iyo howlgalada drones-ka.
Ciidamadan cusub ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo Turkigu ku doonayo inuu Soomaaliya ugu soo diro 2,500 askari, kuwaas oo ay ku jiraan 500 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah oo horey loo geeyay Muqdisho bishii Abriil 2025. Baarlamaanka Turkiga ayaa oggolaaday howlgalkan laba sano ah bishii Luulyo 2024.
Dirista ciidamada ayaa kusoo beegmaysa xilli xasaasi ah, iyadoo Midowga Afrika uu si tartiib tartiib ah ATMIS ugu beddelayo Hawlgalka Taageerada Amniga ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Hawlgalka cusub ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo ba’an, kaddib markii Mareykanka uu dib u eegay siyaasaddiisa gargaarka dibadda, taasoo ciidamada Soomaaliya ka dhigtay kuwo la tacaalaya taageero dibadeed oo aad u kooban.
Midowga Afrika ayaa ka digay in guulihii amni ee la gaaray ay halis ugu jiraan in la lumiyo haddii si degdeg ah aan loo xallin caqabadaha miisaaniyadeed. Dib-u-dhac ku yimid taageerada deeq-bixiyeyaasha iyo xasilooni darrada sii kordheysa ayaa Soomaaliya ku riixaysa inay raadiso xulafo cusub.
Khubarro amni ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo Turkigu geeyo ay suurtagal ka dhigi karaan in xaaladda dagaalka la dejiyo, isla markaana ay yareeyaan hubanti-la’aanta gobolka.
Falanqeeye amni Ali Aadan ayaa sheegay in imaatinka ciidamada cusub ee Turkiga uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah, iyadoo la dhimayo ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika iyo taageerada dhaqaale ee caalamka oo hoos u dhacday.
“Imaatinka ciidamada cusub ee Turkiga waa mid ku soo beegmay waqti muhiim ah, xilli ciidamada ATMIS la dhiminayo, miisaaniyaddana la jarayo,” ayuu yiri Aadan. “Ciidamadan waxay beddeli karaan jihada dagaalka Soomaaliya, sida ay Turkigu horey uga sameeyeen Itoobiya intii uu socday dagaalkii Tigray, iyo sidoo kale dalalka Suudaan iyo Liibiya. Waxay siin karaan dowladda Soomaaliya awoodda ay ugu baahan tahay inay gacanta ku dhigto amniga dalka.”
Ballaarinta milatari ee Turkiga ayaa daba socota heshiis iskaashi amni iyo dhaqaale oo muddo 10 sano ah, kaasoo ay horey sannadkan u ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya. Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu qaabilsan yahay tababarka ciidamada Soomaaliya, ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah, iyo taageeridda howlaha shidaal iyo gaas baarista dalka.
Markabka sahaminta shidaalka ee Turkiga, MTA Oruc Reis, ayaa haatan baaraya badda Soomaaliya si loo ogaado suurta-galnimada keyd shidaal.
Mas’uuliyiintu waxay sheegayaan in dirista ciidamada ay xaqiijin doonto ammaanka howlahaas, isla markaana ay taageeri doonto danaha istiraatiijiga ah ee muddada fog ee Turkiga uu ka leeyahay marin-biyoodka Badda Cas.
Howlgalkan cusub ee Turkiga ayaa muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee Ankara la yeelaneyso Muqdisho, waxaana uu daba socdaa heshiis difaac oo labada dhinac ay kala saxiixdeen horraantii sanadkan.