Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay si rasmi ah ula wareegay xilka loo soo magacaabay ayaa sameeyay ballan-qaadyo waa wayn.
Muungaab ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inuu ka shaqeynayo fulinta qorshaha Villa Soomaaliya ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ballan-qaaday inuu ku dadaali doono sidii doorasho qof yo cod ah uga dhici lahayd caasimada.
“Baaqa madaxweynaha ee ah in Magaalada muqdisho ay Dadkeeda is doortaan ayaan tixgalinaynaa bulshada iyo dhaqankana waa in ay fursadaasi taageeraan oo ay safafka u galaan isdiiwaagalinta,” ayuu yiri Duqa cusub magaalada Muqdisho.
Waxa uu intaas kusii daray: “Annaga doorkeenna waxaa waayey wacyigelinta bulshada iyo inaan u fududeyno xarumo ku fian oo shacabka si fudud isku diiwaan-gelin karo”.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in 100-ka maalood ee ugu horreeya uu diiradda saari doono amniga Muqdisho, isla markaana uu wax ka qaban doono nabad-gelyada guud ee gobolka, isaga oo ballan-qaaday inuu dib usoo celin doono guddigii amniga ee gobolka Banaadir.
“100-ka maalmood ee soo socda waxaan ka shaqeyn doonaa xoojinta amniga iyo nabad-gelyada gobolka Banaadir aniga oo dib u howlgelin doono guddiga amniga ee gobolka Banaadir, kaas oo qaban doonto doorkiisa ah jiheynta iyo xiriirinta howlaha amni sugidda magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Dhinaca kale, wuxuu si adag uga hadlay laamiyada burbursan ee caasimada, isaga oo sheegay in hadda kadib lala xisaabtami doono shirkadaha dhisa waddooyinka muhiimka ah.
“Lama aqbali doono waddo hal sanno kahor xarigga laga jaray oo hal habeen oo roob da’ay la leeyahay waa burburtay, waddooyinka kale ee caasimadda ma burburin, laakin shirkadaha sidaas yeelaya il gaar ah ayaan ku eegi doonaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muungaab.
Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday nadaafadda iyo bilicda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay u dajiyeen qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo caasimada dalka Soomaaliya. “Howlaha nadaafadda caasimadda ayaan si deg-deg ah wax uga qaban doonaa annaga oo soo saari doono xeer hoosaad hagaya nadaafadda guud iyo qashinka,” ayuu yiri guddoomiyaha.