29.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

NISA oo maanta khaarajisay madax sare oo Shabaab ah + Magacyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay oo maanta dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxaha argagixisada.

Howl-galkan oo ahaa mid bartilmaameed ah una dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab isku qarinayeen, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen maleeshiyaadka, sida ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay howl-galkan, Abuu Anas, oo ay Shabaabku ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xerow), oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah.

Sidoo kale, waxaa dhaawacyo culus la gaarsiiyay, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), oo ah horjoogaha maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud, iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha Al-Shabaab.

Horjoogeyaashaan oo qaar lagu dilay howl-galka, qaarna dhaawac culus lagu gaarsiiyay ayaa la rumeysanyahay in ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay abaabulka weerarada naf-la-caariga ah ee !Al-Shabaab ka wadeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Howlgalkaan oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay, ayna kaalin weyn ka qaadatay hay’adda NISA ayaa si weyn u naafeeyay shirqoolladii ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Khasaaraha Shabaab soo gaaray ayaa la filayaa in uu intaas ka sii badanyahay, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay si dhow u la socoto qiimeynta natiijada howl-galka, waxaana dib laga soo gudbin doonaa wax kasta oo ku soo kordha howl-galkan sida ay sheegtay dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in gebi ahaanba la ciribtiro Shabaab, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada iyo diinta Islaamka ee suubban.

- Advertisement -

Read more

Local News