28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Mucaaradka oo diiday ka qeyb-galka shirka maanta ka furmaya Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay si rasmi ah iskaga diideen ka qeyb-galka shirka uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Madaxtooyadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale aysan ka qeyb-galeyn maamullada Puntland iyo Jubbaland oo si weyn isku hayaan hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Madashaan Dr. Maxamed Aadan Koofi oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay inay dhammaatay xilligii la fadhiisan lahaa gogol wada-tashi, isla markaana loo baahan yahay gogol si wadajir ah oo looga doodi karo xal u helida arrimaha cakiran ee ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh aysan si rasmi ah u cadeyn ajendaheeda, xilli mucaaradka uu diidan yahay hanaanka doorasho ee ku howlan tahay xukuumadda iyo wax ka beddelka dastuurka.

“Tareenka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh wadada ayuu ka baxay furfur uu u baahan yahay, Latashi saaxiibadiisa hala sameeyo anaga wadahadal siyaasadeed ayaan ka doonaynaa,” ayuu yiri Xoghaye Koofi.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu diyaar uma ahan gogol ay Soomaali kamaqan tahay, diyaarna uma ahan inay ka qeyb gasho gogol lagu sii kala fogeenayo Soomaalida, Waqtigii wadatashiga wuu dhammaaday, waxa hadda ay Soomaaliya u baahan tahay waa wadahadal siyaasadeed oo dhab ah.”

Dadka dhaliilsan gogoshan waxay ku eedeynayaan dowladda iyo hoggaankeeda in ay u adeegsaneyso wada-hadalladan sidii ay ugu xoojin lahayd awooddeeda, isla markaana uga reebi lahayd mucaaradka saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee la filayo sanadka 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale xilka la wareegay 2022, ayaa ballan-qaaday in dalka loo gudbin doono nidaam doorasho oo ku saleysan “hal qof, hal cod” taasoo beddeli doonta habka qabiilka ku saleysan ee doorashooyinka horey loogu qaban jiray.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafyo siyaasadeed oo qoto dheer ayaa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka iyo eedeymo ay u jeediyeen Muqdisho oo ku saabsan urursiga awoodda.

- Advertisement -

Read more

Local News