24.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Sawirro: XASAN oo daah-furay gogosha wadatashiga qaran – Yaa ka qeyb-galay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay gogosha Wadatashiga Qaran, inkasta oo ay qaadaceen mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey madasha, ayaa xusay dadaalka dowladda ee hirgelinta nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed si toos ah ugu doortaan hoggaankooda. Waxa uu sheegay in dhinacyada siyaasadeed ay ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon nidaamkii hore ee doorasho dadban oo dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda.

“Gogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siineyno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowlad ah ayaan raadinayna wadahadal iyo wadatashi — arrin laga waayey hoggaamiyayaashii hore. Albaabka wadatashigu wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada beesha caalamku ay muhiim tahay, balse mas’uuliyadda ugu weyn ee dhismaha dowladnimada ay saaran tahay shacabka iyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka.

“Caalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla – waana in aynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shacabka ugu baaqay midnimo iyo wadajir, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo kala qaybin kara bulshada. Waxa uu mar kale adkeeyay in ujeeddada dowladda ay tahay doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah hadaf qaran ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.

“Su’aalaha ka taagan doorashada qof iyo cod waxaa lagu xallin doonaa wadahadal dhab ah,” ayuu yiri.

Gogosha waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin hore, ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale.

Madaxdii hore iyo mucaaradka ku midoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed, Jubaland iyo Puntland ayaa horay u shaaciyey in aysan ka qeyb-galeyn, iyagoo ku eedeeyay gogoshan inay tahay mid lagu xoojinayo awoodda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo in mucaaradka looga saaro saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashada guud ee 2026.

Inkastoo gogosha Wadatashiga Qaran ay tahay fursad muhiim ah oo lagu mideyn karo aragtiyaha siyaasadeed ee dalka, haddana ka maqnaanshaha mucaaradka iyo maamul goboleedyo muhiim ah ayaa muujinaya in weli loo baahan yahay kalsooni dib u dhis iyo wadahadal dhab ah si loo helo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News