Tehran (Caasimada Onlien) – Israel iyo Iran ayaa mar kale is weydaarsaday weerarro Talaadada maanta ah, maalintii shanaad ee isku dhacyadii ugu darnaa taariikhda labada dal, iyadoo cabsi laga qabo in dagaalku noqdo mid daba dheeraada oo gobolka Bariga Dhexe oo dhan ku fida.
Labadan dal, oo muddo dheer ku jiray dagaal hoose oo ay ku lug leeyihiin kooxo wakiilo ah iyo howlgal sirdoon, ayaa wajahaya isku dhacyo si toos ah u muuqda tan iyo markii Israel ay bishii Oktoobar 2023 dagaal kala hor timid kooxaha ay Iran taageerto, sida Xamaas iyo Xizbullah.
– ‘Is dhiibid shuruud la’aan ah’ –
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sare u qaaday hadalladiisa ka dhanka ah hogaamiyaha sare ee Iran, isagoo bartiisa bulshada ku sheegay in Mareykanku si sax ah u ogyahay halka uu ku sugan yahay Ayatollah Ali Khamenei, balse aan la dili doonin “ugu yaraan waqtigan la joogo”.
Qoraal kale oo uu soo dhigay ayuu Trump si caro leh ugu baaqay Iran inay sameyso “IS DHIIB SHURUUD LA’AAN AH!”, taasoo kor u qaaday su’aalaha laga qabo in Mareykanku si toos ah ugu biiri karo weerarrada Israel ee lagu bartilmaameedsanayo hogaanka iyo xarumaha nukliyeerka Iran.
Trump ayaa horay u sheegay inuu doonayo “dhammaad dhab ah oo colaadda ah,” halkii laga heli lahaa xabbad-joojin ku meel-gaar ah.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka si ay uga wadahadlaan xaaladda sii xoogeysaneysa.
Hoggaamiyeyaasha dalalka G7, oo uu Trump ka mid yahay, ayaa Isniintii ku baaqay in la dejiyo xiisadda, inkastoo baaqooda uu watay dhaleeceyn loo jeediyay Iran iyo taageero loo muujiyay waxa loogu yeeray xaqa Israel u leedahay is-difaaca — arrin si kulul uga careysiisay Tehran.
Dowladda Shiinaha ayaa ku eedeysay Trump inuu “saliid ku shubayo dabka colaadda,” halka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ku tilmaamay “halista ugu weyn ee gobolka.”
– Weerarradii ugu dambeeyay –
Milateriga Israel ayaa sheegay inuu Talaadadii qaaday ugu yaraan labo duqeyn oo lagu beegsaday xarumo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo ku yaalla galbeedka Iran.
Wariyeyaasha AFP ayaa maqlay qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhacay magaalada Tehran, iyadoo warbaahinta Iran ay sidoo kale sheegtay in qaraxyo laga maqlay Isfahan — oo ay ku yaallaan xarumo muhiim ah oo nukliyeer ah.
Israel ayaa sheegtay inay hawada ku burburisay “inta badan” gantaalladii Iran kasoo ridday, kadib markii qaylo-dhaan duqeyn laga maqlay magaalada Tel Aviv iyo waqooyiga dalka.
Tan iyo habeenkii hore, milateriga Israel wuxuu bixiyay toddobo digniin oo ah weerarro gantaallo oo ka dhacay gobollo kala duwan.
Qaylo-dhaanta duqeymaha ayaa laga maqlay sidoo kale magaalada Dimona ee koonfurta Israel, halkaasoo xarunta nukliyeerka Israel ay ku taallo, inkastoo aan lasoo sheegin wax khasaare ah.
Iran ayaa sheegtay in weerarradeeda ay ku beegsatay “goobo sirdoon iyo amni oo muhiim ah,” oo ay ku jirto xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka Mossad iyo saldhigyo ciidan oo ay Israel leedahay.
Taliyaha guud ee ciidamada Iran, Abdolrahim Mousavi, ayaa sheegay in “howlgallo ciqaabeed” oo dheeraad ah ay dhowaan dhici doonaan.
Ilaa Axaddii, wasaaradda caafimaadka Iran ayaa sheegtay in weerarrada Israel ay ku dileen ugu yaraan 224 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 1,200 — kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo saynisyahanno nukliyeer ah, balse badankood ah rayid.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in weerarrada Iran ay dileen ugu yaraan 24 qof, ayna dhaawaceen 592 kale.
– ‘Shaqada adag annagaa u qabanayna’ –
Netanyahu ayaa sheegay in ololaha Israel uu ujeedkiisu yahay in gebi ahaanba la burburiyo barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada Iran, iyo waxa uu ugu yeeray “faraca argagixisada” — taasoo loola jeedo kooxaha ay Iran taageerto ee ku sugan Bariga Dhexe.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan meesha ka saareynin in la dilo hogaamiyaha sare ee Iran.
Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa sheegay in “isbeddel nidaam” uusan ahayn ujeedada dagaalka – balse ay suuragal tahay inuu noqdo mid ka mid ah natiijooyinka.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka digay in isku day kasta oo lagu beddelo dowladda Iran uu horseedi karo “fawdo aan la xakameyn karin.”
Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa Talaadadii sheegay inuu taageersan yahay ololaha Israel, isagoo wareysi uu bixiyay ku yiri: “Shaqada adag ee dunida laga sugaayay, Israel baa hadda u qabaneysa dhammaanteen, si loola tacaalo xukunka culimada ee Iran.”
Wareysi kale ayuu ku sheegay in Tehran ay si weyn u daciiftay, isagoo raaciyay: “Aad bay u adag tahay inaan rumeyso in nidaamka culimada uu dib u heli doono awooddiisii hore.”
– Internet go’an –
Warbaahinta Iran ayaa Talaadadii ku warrantay in guud ahaan dalka laga dareemay carqalado baahsan oo internetka ah.
Lama caddeyn sababta rasmiga ah ee keentay go’aanka, hase yeeshee Iran waxay si joogto ah u xaddidaysay adeegsiga internetka tan iyo markii Israel billowday weerarradeeda cirka.
Warbaahinta Fars ayaa sheegtay in weerar cyber ah oo Talaadadii dhacay uu si weyn u saameeyay Sepah Bank — mid ka mid ah bankiyada ugu weyn ee ay dowladdu leedahay.