25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo madaxda sare ka dalbaday aqoonsiga…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaannada baarlamaanka in gobolka Hiiraan uu helo maamul goboleed gaar ah oo ka madax-bannaan kan Hirshabeelle.

Cosoble oo ka hadlayay xiritaanka gogoshii wadatashiga ee ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hiiraan ay leedahay dhammaan shuruudihii ay maamul goboleed ku noqon lahayd, sidaas darteedna ay u qalanto in la siiyo madax-bannaani dhameystiran.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya u baahan yahay dib-u-eegis iyo wax-ka-bedel dhab ah, maadaama sida uu sheegay uu u adeegayo dano gaar ah oo aysan ka tarjumeyn rabitaanka guud ee shacabka.

“Dastuurku Qur’aan maaha. Waxaan jeclaan lahaa in aan arko Hiiraan oo ah maamul goboleed u gooni ah, iyo Shabeellaha Dhexe oo isna ah maamul gaar ah. Waxaan horey u soo noqday madaxweyne goboleed, waana ogahay xaqiiqooyin badan oo gudaha u yaalla Hirshabeelle,” ayuu yiri Cosoble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qaab-dhismeedka maamul goboleedyada dalka aysan waajib ku ahayn in ay ku salaysnaadaan labo ama saddex gobol, balse hal gobol oo buuxiya shuruudaha maamul goboleednimada uu kaligiis ku filnaan karo in uu helo nidaam maamul gaar ah.

Cali Cosoble ayaa sheegay in haddii Hiiraan loo aqoonsado maamul goboleed u madax bannaan, ay taas horseedi karto horumar cusub oo dalka oo dhan ku fida, isagoo xusay in tartan dhanka horumarka ah uu ka bixi karo maamullo is-jecel oo ku saleysan isla xisaabtan.

Baaqan ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya xilli muddo ka badan sideed sano uu jiray saluug ballaaran oo ay dadka gobolka Hiiraan ka muujinayeen nidaamka awood-qaybsiga ee Hirshabeelle, iyagoo si weyn u taageersan in Hiiraan uu noqdo maamul goboleed madax-bannaan.

- Advertisement -

Read more

Local News