26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Daawo: Muuqaal xasaasi oo laga helay guri lagu duqeeyey horjoogayaal Shabaab ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaal naadir ah oo laga duubay howlgalkii duqeynta ahaa ee shalay ka dhacay degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu laayey xubno badan oo Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsanaa.

Muuqaalka ayaa muujinaya in la beegsaday guri uu deganaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Xasan Nuur, kaas oo ku yaalla xaafadda Waaberi ee degmada Aadan-Yabaal, Telefishinka Qaranka ayaa soo bandhigay muuqaal toos ah oo diyaaraddu duubtay, kaas oo sharaxaadiisa wata.

Inta aan la duqeyn guriga, basaasiin u shaqeeya dowladda oo kooxda ku dhex-jira ayaa guriga dhexdiisa ka soo duubay muuqaalka gaari Beebe ah oo kooxda Al-Shabaab ay dowladda horay uga furteen iyo wajiga mid kamid ah saraakiishii la dilay oo la aqoonsaday.

Horjooge Cali Ibraahim Geesey (Cali Rooti) oo ah madaxa caafimaadka Al-Shabaab iyo Horjooge Mahad Xasan oo ah darawalka gaarka ah iyo istaafka Abuurkar Cali Aadan oo ah ku xigeenka horjoogaha guud ee Al-Shabaab.

Horjoogayaashaan ayaa ka soo muuqanaya goobta daqiiqado yar ka hor inta aan la duqeyn guriga, iyagoo weliba is qarinaya, basle daawanaya qaabka loo baakimayo gaariga Beebaha ah oo lagu qarinayo gudaha guriga la beegsaday.

Gurigaan in saraakiil sare oo Shabaab ah ay joogeen waxaa u dheer inuu ahaa goob lagu keydiyo saanadda ciidanka, laguna abaabulo maleeshiyaadka kooxda, sida lagu soo bandhigay warbixintaan xasaasiga ah ee muuqaalka ah.

Hay’adda NISA ayaa fulisay duqeyntaan, waxaana lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo la xaqiijiyey inuu ku jiraan horjooge Carabey oo ahaa madaxii gaadiidka Al-Shabaab ee goobaha ay dagaalladu ka socdaan iyo Mustaf Jareere oo qaabilsanaa sameynta gaadiidka ka ciladooba Al-Shabaab.

Waxaa jira xubno kale oo duqeyntaan ku dhaawacmay, kuwaas oo uu ku jiro Horjooge Xamsa Faracadde oo saadka iyo taakulada u qaabilsanaa Al-Shabaab. Iyadoo weli ay dowladdu wado xaqiijinta inay jiraan xubno kale oo muhiim ah oo duqeyntaas looga dilay kooxda.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News