25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Dagaalka IRAN iyo Israel – Soomaaliya oo maanta ka mid noqotay dalal dhowr ah oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo looga hadlayo dagaalka ka dhex qarxay Iran iyo Israel.

Kalfadhiga 51-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha islaamka oo maanta furmay ayaa socon doona laba maalmood, wuxuuna diiradda saarayaa xaaladda cakiran ee u dhaxeysa Israel iyo Iran.

Waxaa la filayaa in gabagabada shirkaan ay wasiirradu soo saaraan baaq wadajir ah oo lagu dalbanayo xabad-joojin, si looga hortago xasillooni darrada gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar ah la-yeesho dhiggiisa dalalka kale ee ka qeyb galaya shirkan.

Wasiirka ayaa sheegay in madashaan uu kaga faa’iideysa doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay waddamada Islaamka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran ay cirka isku shareertay, waxaana la rajeynayaa in dadaallada OIC ay horseedi doonaan xasillooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.

Hadaba maxaa u dambeeyey xogta dagaalka labada dal?

Sabtidii maanta waxay ku beegneyd maalintii 9-aad ee dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil oo soo billowday 13-kii June.

Wakaalada wararka ee Nour News Agency oo soo xiganaysa bayaan kasoo baxay wasaarada caafimaadka ee Iran oo tilmaamaya tirada dhimashada, ayaa tebisay in ugu yaraan 430 qof ay ku dhinteen 3,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu bilowday iska horimaadka socda.

Dhinaca Israa’iil waxay sheegtay in 25 qof ay ku dhinteen, 2,517 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada ka imaanaya dhanka Iran.

Milatariga Israa’iil ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqay in weeraro kale oo lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha militariga Iran ee koonfur galbeed dalkaas ku yaalla ay qaadi doonaan.

- Advertisement -

Read more

Local News