Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa dacwo culus oo ka dhan ah Madaxda Dowladda Federaalka u gudbiyay Beesha Caalamka, iyaga oo u jeediyay eedeymo culus oo ku aadan kaalmada laga helo dalalka caalamka.
Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa nuqul kamid ah war-murtiyeedka ay kasoo saareen shirkoodii Garoowe ku sheegay in dowladda dhexe ay siyaasadeysay deeqaha laga helo caalamka, isla markaana ay ku takri fashay kaalmada ay bixiso Beesha Caalamka.
Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa shaaciyay in Dowladda Federaalka ay mararka qaar kaalmada lasoo mariyo ay u deegsato kicin bulsho, si loo abuuro xasilooni darro gudaha ah.
“Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay cambaareynayaan in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay siyaasadeysay, kuna takri fasho kaalmada Beesha Caalamka, iyada oo DFS ay mararka qaar u isticmaasho hub siyaasadeed, isku dir iyo kicin bulsho, si xasilooni darro looga abuuro Dowladaha xubnaha ka ah DFS,” ayaa lagu yiri qoraalka labada hoggaamiye ay soo saareen.
Waxaa kale oo ay sheegeen in loo baahan yahay in Beesha Caalamka ay dib u eegis ku sameyso habka Soomaaliya loo soo gaarsiiyo kaalmada deeq-bixiyeyaasha, waxayna dalbadeen in qaybtooda, si toos ah iyaga loogala macaamilo oo aan loo marin meel kale.
Hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale ku dooday illaa inta heshiis laga gaarayo hannaanka qaybsiga khayraadka ay iyagu maamulan doonaan kaalmada, si looga fogaado musuq, ku takrifal awoodeed iyo in si khaldan loo adeegsado kaalmada caalamka.
“Haddaba Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay Beesha Caalamka ugu baaqayaan in dib u eegis lagu sameeyo habka loo gaarsiiyo Soomaaliya kaalmada ay bixiso Beesha Caalamka, isla markaana Deeqbixiyeyaashu ay toos ula macaamilaan Dowladaha xubnaha ka ah DFS, inta heshiis buuxa laga gaarayo hannaanka qaybsiga khayraadka iyo awoodaha dalka,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka hogaamiyeyaasha labada maamul.
Dhinaca kale, Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale mowqif adag ka qaatay dowladda dhexe, waxayna si cad u sheegeen in aanay ku metalin go’aannada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama aanay qayb ka ahayn oo ay mar hore xiriirka u jareen Villa Soomaaliya.
“Waxaa kale oo dowladaha Jubaland iyo Puntland cadeynayaan in DFS aysan ku metalin wixii go’aan ah oo Jubaland iyo Puntland aysan qayb ka ahayn,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Jubaland iyo Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Somalia ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan dowladda dhexe, waxayna si cad u sheegeen in aanay ku metalin go’aannada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama aanay hadda qayb ka ahayn shirarka socda oo ay mar hore xiriirka u jareen Villa Somalia.