26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Israel oo ciidankeeda kala baxaysa Gaza iyo Masar oo wada qorshe culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda Israa’iil ayaa billowday inay kala baxdo qaybo ka mid ah ciidamadeeda gudaha Marinka Gaza, iyada oo sidoo kale hakisay qorshihii lagu hawlgelin lahaa ciidamada kaydka si ay uga qayb qaataan dagaalka.

Ma cadda in tallaabadan ay qayb ka tahay isku day lagu doonayo in lagu dejiyo colaadda socota, hase yeeshee warbaahinta gudaha Israa’iil, gaar ahaan telefishinka Channel 12, ayaa werinaya in go’aankan uu la xiriiri karo dadaallo diblomaasiyadeed oo socda.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Masar ay wado diyaargarow loogu jiro wadahadallo cusub oo ay ka qayb galayaan Xamaas iyo Israa’iil, iyadoo Qatar iyo Maraykanku ay door muhiim ah ku leeyihiin dadaalladan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in uu rajeynayo in xabbad-joojin rasmi ah laga gaaro dagaalka asbuuca soo socda, isagoo tilmaamay in wadahadallada hadda socda ay yihiin kuwa “xilli xasaasi ah ku dhow guul.”

Dhinaca kale, wargeyska Haaretz ee Israa’iil ayaa daabacay warar sheegaya in Israa’iil ay qorsheyneyso in kumannaan calooshood u shaqeystayaal ah loo diro gudaha Gaza, si ay u fuliyaan howlgallo aan la xiriirin sugidda amniga, balse loogu talagalay burburinta guryaha shacabka iyo u beddelidda qaar ka mid ah xaafadaha Gaza meel aan la deggan karin.

Howlgalladan ayaa lagu sheegay kuwo si gaar ah loo qorsheeyay, iyadoo la doonayo in lagu wiiqo suurta-galnimada nolol dib ugu soo laabasho ee shacabka reer Gaza. Lama oga in qorshahan uu mar horeba bilowday, uu hakad ku jiro, ama ay weli Israa’iil qorsheynayso sidii loo hirgelin lahaa.

Dhanka kale, xaaladda dagaal ee ka taagan Gaza ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo wararka qaar sheegayaan in Israa’iil ay sameysay aagyo difaac oo cusub sida Morag Corridor, si ay u kala goyso magaalooyinka Rafax iyo Khan Yuunis, ugana hortagto isku socodka ciidamada Xamaas.

Intaa waxaa dheer, waxaa isa soo taraya eedeymaha ah in Israa’iil ay caqabad ku tahay gelitaanka gargaar bini’aadannimo ee waqooyiga Gaza, halkaasoo ay ku dhimanayaan kumannaan rayid ah oo ay saameeyeen duqeymaha, gaajada, iyo biyo la’aanta. Qaramada Midoobay ayaa dhowaan cambaareysay hab-maamuuska gargaarka ee hadda jira, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah dadka u taagan cunno-qaybinta la toogtay ama si bareer ah loo beegsaday.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, in ka badan 56,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay gudaha Gaza, iyadoo tiradaasi ay badankood yihiin haween iyo carruur. Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku tilmaamay xaaladda Gaza “mid bani’aadannimo ahaan aan la aqbali karin”, isagoo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah iyo in si buuxda loo oggolaado gelitaanka gargaar.

Isla markaana, warbixinno ay soo saareen wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa sheegaya in ay jirto kala shaki u dhaxeeya bulshada Falastiiniyiinta ee ku sugan Koonfurta Gaza, kuwaas oo qaar badan diidan yihiin in ay sii taageeraan Xamaas, taasoo iftiiminaysa kala daadsanaanta siyaasadeed iyo midda amni ee gudaha Falastiin.

- Advertisement -

Read more

Local News