Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar ku tegaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Degmadan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd saldhig ciidan oo ay isticmaalaan Militariga Soomaaliya iyo Macawiisleyda deegaanka, kuwaasoo ku guuleystay dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Safarka madaxweynaha oo aan hore loo shaacin ayaa laga xaqiijiyay ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu degmada Cadale ka furi doono mashaariic horumarineed oo muhiim ah.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in xarigga ka jaro garoonka diyaaradaha, isbitaalka guud ee degmadaas iyo goobo kale oo muhiim ah. Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in uu isla maanta dib ugu soo laabto Muqdisho.
Inta uu joogo Cadale, Madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda gobolka, iyadoo halkaas lagu kala qaadi doono waajibaad culus oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa go’aamiyay in dib loo xoreeyo dhammaan deegaanadii ay Al-Shabaab qabsadeen ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la filayo in howlgalkaasi uu si rasmi ah u billowdo maalmaha soo socda.
Dowladda ayaa diyaarisay wafdi culus oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada. Wafdigan ayaa ka abaabuli doona gobolka Sh/Dhexe howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo la qorsheeyay in weerar saddex jiho ah lagu qaado kooxda, laga bilaabo Cadale ilaa Masjid Cali Gaduud.
Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Danab iyo Gorgor, ayaa maalmihii lasoo dhaafay dib u qabsaday degmada Masjid Cali Gaduud — halkaas oo ay Al-Shabaab muhiimad weyn siiyeen. Shacabka deegaankaas oo hubkooda qaatay ayaa dib ugu laabtay guryahoodii, halkaas oo Ciidamada Qaranka ay saldhigyo ka sameysteen.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa hoggaaminaya howlgal weli ka socda tuulooyinka ku dhow Masjid Cali Gaduud, halkaas oo ciidamada ay weli ku baacsanayaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.