London (Caasimada Online) – Wiil qaxooti Soomaali ahaa oo toorey ku dilay Kiyan Prince oo ahaa cayaaryahan da’yar oo kubadda cagta ah, meel ka baxsan iskuulkiisa, ayaa laga tarxiilay dalka Britain.
Hannad Xasan ayaa magangelyo la siiyay sannadkii 2001 kaddib markii uu kasoo cararay dalka Soomaaliya ee ay dagaalladu la degeen.
Balse shan sano oo kaliya kaddib, wiilkan oo markaas dhalinyaro ahaa ayaa dilay Kiyan oo 15 jir ahaa, cayaaryahanna u ahaa kooxda da’yarta ee QPR, kaddib markii uu isku dayay inuu kala celiyo dad is dagaalayay.
Hannad oo markaas 17 jir ahaa, ayaa Kiyan madaxa qabsaday oo toorey yar wadnaha kaga dhuftay, dil dhacay bishii May ee 2006, kaasoo ka dhacay Edgware, waqooyi-galbeed London, wuxuuna falkaas argagax ku noqday guud ahaan dalka Britain.
Hannad Xasan ayaa lagu xukumay ugu yaraan 13 sano oo xabsi ah, waxaana sannadkii hore loo diiday sii-dayn sharafeed.
Wiilkan oo hadda 35 jir ah ayaa diyaarad loogu celiyay Soomaaliya.
Sannadkii 2019, kooxda Queens Park Rangers ayaa garoonkeeda u bixisay Kiyan Prince Foundation Stadium kaddib codayn ay sameeyeen taageerayaasha kooxda oo ku saabsanayd xuquuqda magacaabista garoonka.
Kooxdan ka dhisan Galbeedka London ee heerka labaad ka cayaarta ayaa saddex sano kaddib garoonkeeda dib ugu celisay magaciisii hore ee Loftus Road.
Markii Xasan la xukumayay, Garsoore Paul Worsley ayaa yiri: “In naf qof kale la gooyo mar walba waa arrin argagax leh – balse in la qaado nafta wiil arday ah oo 15 jir ahaa, karti badnaa, la jeclaa, oo aan wax dhib ah kuu geysan, mustaqbal ifayana lahaana, waa arrin aan la qiyaasi karin naxdinteeda.”
Xukunka kaddib, aabbaha dhalay Kiyan Prince ayaa sheegay in qoyskoodu ay “si aan la qiyaasi karin ugu faraxsan yihiin” xukunka la riday.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office) ayaa yiri: “Muwaadiniinta ajnabiga ah ee dembiyada gala waa inaysan shaki ka qabin inaan samayn doono wax kasta oo suurtagal ah si aan u hubinno inaysan si xor ah ugu dhex socon waddooyinka Britain, oo ay ku jirto inaan dalka ka saarno sida ugu dhaqsiyaha badan.
“Tan iyo doorashadii, waxaan dalka ka saarnay 4,436 dembiilayaal ajnabi ah, taasoo ah koror 14% ah marka la barbardhigo isla muddadan oo kale 12 bilood ka hor.”
Hay’adda KPF oo aan faa’iido doon ahayn ayaa ka go’an inay dhaxalka Kiyan u isticmaasho la dagaallanka dembiyada mindiyaha loo adeegsado iyo noocyada kale ee rabshadaha dhalinyarada.