26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Kooxda Al-Shabaab oo lagu go’doomiyay Ceel-qooxle iyo wararkii ugu dambeeyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga degmada Moqokori ay go’doomiyeen Al-Shabaabkii soo galay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolkaasi.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda oo qaaday guluf culus ayaa ka hortagay duulaan ay soo qorsheeyeen Al-Shabaab, waxaana dagaal adag ay kula galeen aagga Moqokori.

Guddoomiyaha deegaanka Tardo Cismaan Xuseen Guure oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa shaaciyay in haatan ciidamadu ay afarta jiho ka jiraan Shabaabka soo gaaray Ceel-qooxle, wuxuuna xusay in ciidanka ay wadaan howlgallo sifeyn ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa isku fidiyay afarta jiho ee deegaanka Ceel-qooxle oo ka tirsan degmada Moqokori, sidoo kale waxaa ciidamadu ay joogaan dhammaan waddooyinka laga soo galo deegaanka ” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo gurmadyo ah soo gaareen deegaanka, Al-Shabaabna ay isugu tageen dhinaca bari, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus.

“Dib ayay u laabteen nimanka, waxayna aadeen dhanka bari, annagana waxaa noo yimid milatari gurmad ah afarta dhinac ayaana hadda laga joogaa” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana xiisadda laga dareemayaa aagga Moqokori, hayeeshee waxaa difaac adag ku jira Macawiisleyda Xawaadle iyo ciidanka Xoogga dalka.

Hiiraan ayaa waxaa muddo dheer ka socda dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana weli socda guluf xoogan oo looga hortagayo culeyska Al-Shabaab ee deegaannada HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News