26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Xog ka cusub diyaaradii ku dhacday garoonka Xamar – Tirada dhimasho iyo cida leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay kaddib markii ay burburtay diyaarad helikobtar ah oo ay lahayd howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda. Shilkan ayaa Arbacadii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye, ayaa sheegay in saddex kale oo ka mid ahaa sideeddii qof ee saarnaa diyaaradda ay ka badbaadeen shilka, balse ay soo gaareen dhaawacyo culus iyo gubasho daran.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Mi-24, ayna la socdeen sideed qof, ayaa ka soo kicitantay garoon ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Asal ahaan, diyaaraddan waxay ka tirsanayd Ciidanka Cirka ee Uganda (Ugandan Air Force), balse waxaa howlgalkeeda la wareegay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay militariga Uganda ayaa lagu sheegay in diyaaraddu ay ku guda jirtay “howlgal caadi ah oo ay ku ilaalinaysay kolonyo ciidan” markii uu shilku dhacay. Waxaa bayaanka lagu xusay in duuliyihii, kaaliyihii duuliyaha, iyo farsama-yaqaankii diyaaradda ay ka badbaadeen shilka, iyagoo qaba dhaawacyo halis ah iyo gubasho daran.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (Somalia Civil Aviation Authority), Axmed Macallin Xasan, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo sababta keentay shilka.

Sarkaal ka tirsan waaxda duulista, Cumar Faarax, oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee gaaray goobta uu shilku ka dhacay, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inuu “arkay diyaaradda oo wareeganaysa, kaddibna si xawli ah u soo dhacday.”

Cabdiraxiim Cali, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay inuu arkay “qarax weyn iyo qiiq meel walba is qabsaday.”

Shilka ayaa sababay dib u dhac yar oo ku yimid shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, balse haatan duullimaadyadii iyo howlihii kale ee garoonka ayaa dib u bilaabmay.

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, oo loo yaqaano AUSSOM, ayaa ka caawiya dowladda Soomaaliya la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo ah urur ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.

Howlgalkan waxaa ka mid ah ciidamo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Uganda iyo Kenya. 

- Advertisement -

Read more

Local News